Madaxweynaha PL iyo wafdigii la socday oo si weyn loogu so dhaweeyey Kismaayo.[Masawiro]
March 3, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey. Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaan ayaa waxaa ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka maamulka Jubbaland.
Wafdiga Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan saddex gole ee Puntland iyo Issimo ayaa si isku mid ah uga mahad celiyey soo dhaweynta ballaadhan ee maanta loogu sameeyey magaalada Kismaayo.
Wadiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa waxaa loo galbiyey Madaxtooyadda Maamulka Jubbaland halkaas oo isago iyo Madaxweyne Axmed maxamed Islaan ay saxaafadda kula hadleen.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalka uu maanta magaalada Kismaayo oo ah xarunta ku meel gaarka ee maamulka jubbaland uu ku yimid Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Gaas isagoo xusay in Jubbaland ay la mataanaysan yihiin Puntland oo ku talaabsatay horumar la taaban karo in mud ahna soo jirtay.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Jubbaland iyo masuuliyiintiisu aysan marna ilaawi doonin taageeradii hiilka ahaa ee ay ka helleen madaxda dowladda Puntland iyo shacabkooda.
Dhinac kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahad celiyey madaxda Jubbaland iyo dadweynaheeda sidda diiran oo ay usoo dhaweeyeen isagoo sheegay in mudo 3 cisho ah ay joogi doonaan Kismaayo ayna kulamo kale duwan la qaadan doonaa Golayaasha maamulka Jubbaland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali ayaa sidoo kale sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay talaabada guusha ah oo ay ku talaabsadeen maamulka Jubbaland walow maamulku jiray mudo gaaban. Safarka Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo beegmaya xili Goboollad Jubooyinka iyo Gedo ay beeluhu ka soo xulayaan Xildhibaanadii ka mid noqon lahaa Golaha Baarlamaanka ee maamulka Jubbaland.
no images were found
A/cawaale
Halgan.net