Madaxweynaha PL oo daahfuray mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.[Masawiro]

March 11, 2015 - Written by Editor

IMG_9705Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11-3-2015 si rasmi ah u daahfuray Mashruuc lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo. Ka hor inta uusan Madaxweynuhu ka qeyb gelin munaasibad balaaran oo loo qabtay daahfurida mashruucaas ayuu kullan xog waraysi ah Xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha wadanka Norway ee Soomaaliya Mr.Patter Holtedahl, kullankaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta mashaariicda ee dawladda Norway ka fuliso Puntland iyo sidii ay NGO -yada wadanka Norway ee ka howlgala Puntland loo dardar gelin lahaa islamar ahaantaana loo kordhin lahaa.

Sidookale waxaa laga wada hadlay jawiga siyaasadeed ee Soomaaliya iyo guud ahaa Gobolka intiisa kale sidii laysaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada, xoojinta amniga iyo kobcinta dhaqalaaha.

Madaxweynaha ayaa islamaanta gelinkii hore ka hor intaanu ka qeyb gelin xafladii daahfurka wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo sidookale Danjiraha Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke.

Kullanka kadib ayaa Madaxweynaha iyo danjirayaashu ay si wadajir ah hoolka Wasaarada Caafimaadka ee Dawladda Puntland ugu fureen Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Xafladda lagu daahfurayey Mashruuca lagu dayactirayo wadada isku-xirta Garoowe iyo Gaalkacyo waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiiro katirsan xukuumada Puntland , Isimo, Waxgarad, Aqoonyahano, Maamulka Gobolka Nugaal , Maamulka Degmada Garoowe, masuuliyiin ka socday Hay’adda wadooyinka Puntland iyo marti sharaf  kale.

” Wadadaan waa mida keliya ee isku kaaya xiraysa anaga iyo inbadan oo Soomaaliya kamid ah, mashaariicda hada aanu dalka ka wadno oo hirgelaya ayuuna kamid yahay ” Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale sheegay in mashruucaan faa’iido weyn ugu jiro shacabka reer Puntland, waxaana ku baxaya dhaqaale dhan 21-million, 18-million oo kamid ah lacagtaas waxaa bixinaya midowga yurub halka 3-million oo kalana ay bixinayso Dawladda Jarmalka, waxaana fulinaya mashruucaan Hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka GIZ

” Hadaanu rabno in aanu xooga saarno wax soo saarkayaga sida maalgashiga dhanka xoolaha, maalgashiga dhanka beeraha, Kalluumaysiga waxaasi ma hirgelayaan mana soconayaan hadaan la helin kaabayaasha dhaqaalaha isku xiri lahaa ” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

” Saaxiibadayada caadaystay oo afmiishaarnimo darbiyada la fadhiya dawladda yaysan ku mashquuline haku mashquulaan wax soo saar, horumar iyo dawladnimo ” Ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ambassadorka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke ayaa dhankiisa balan qaaday in dawladda Jarmalka ay sii laba jibaarayso mashaariicda horumarineed ee ay ka fulinayaan gudaha Puntland.

” Midowga yurub iyo Dawladda Jarmalka waa saaxiibada Dawladda Puntland ” Ayuu hadalka ku soo gebagebeeyey Danjiraha Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Andreas Pesxhke oo markii ugu horaysay Puntland booqasho ku yimi.

Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’urso ayaa isna dhankiisa sheegay in Midowga yurub ay ka go’antahay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Puntland, mashruucaana uu sidii loogu talagay u fulayo.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online