Madaxweynaha PL oo la kulmay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Nicholos Kay

March 11, 2015 - Written by Editor

IMG_0048-450x300Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta oo ay taariikhdu tahay 11-3-2015 Aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay iyo wefdi balaaran oo  uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa kullan gaar ah la qaatay Danjire Nicholos Kay waxaana ay kawada hadleen horumarka baaxada leh ee ka soconaya Puntland, la dagaalanka koox diimeedka Ururka Al-shabaab, hiigsiga cusub ee Soomaaliya 2016 iyo guud ahaan Soomaaliya isbadalka lagarabo.

Kullanka ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Nicholos Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi waxa ka soo baxay.

‘’Waxaa sharaf weyn noo ah in maanta aanu halkaan ku soo dhaweyno Wakiilka Xoghaya Guud ee QM ee  Soomaaliya oo maanta nagu soo booqday Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland, imaanshihiisana waan ku faraxsanahay waana markii todobaad oo uu noo yimaado ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Runtii wada hadalakayagii waxaa uu ahaa mid sifiican u soo dhammaaday, waxaan rajaynaynaa inaanu wada shaqayn dhow yeelano si aan u sii amba qaadno geedi socodka nabada Soomaaliya Insha’allah ”Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawada gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaaray mudadii yarayd ee uu hogaanka hayey.

Dhinaca kale Danjire Nocholos Key ayaa Madaxweynaha ku amaanay Guusha ay Puntland ka gaartay  dagaaladii Galgala isagoona ciidanka Puntland ugu hambalyeeyey dhabarjabka xooga leh ee ay u gaysteen koox diimeedka Ururka Al-shabaab.

Sidoo kalana Madaxweyne Gaas ayuu ku amaanay talaabada wanaagsan ee uu dhinaca dimuqraadiyada uu horay u qaaday iyada oo xili dhow gudiga doorashooyinka Puntland lagu dhawaaqi doono, islamarkaana waxaa uu sheegay in UN-ka, EU iyo Hay’addaha kale ee caalamka ee daneeya dhanka dimuqraadiyada ay  ka caawin doonaan Puntland taabagelinta dimuqraadi yada xili dhow oo ku siman bisha afaraad ilaa bisha shanaad, Danjire Nicholos Key ayaa waxaa uu si buuxda u tilmaamay in dawladda Puntland si dhab ah dhinac walba uga taageeri doonaan.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland .

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online