Madaxweynaha Puntland oo Garoowe xariga ka jaray labo wado oo laami ah.(Masawiro)

March 10, 2015 - Written by Editor

IMG_9556Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-3-2015 si rasmi ah xariga uga jaray labo Wado oo laami ah oo laga hirgeliyey Magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland.

Wadooyinkaa laamiga ah ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu dhagax dhigay bartamihi sanadkii tegay ee 2014, waxaana lagu fuliyey mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland oo si habsami leh uga soconaya guud ahaan Gobolada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in labadaan wado iyo weliba wadooyinka kale ee laamiga ah ay wax badan ka badaleen bilicda caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe.

” Waxaan rabnaa in dedaalkeena isugu gayno inaynu bedelno wajiga Puntland ay leedahay, waxaan mar walba xooga saaraynaa baahida muhiimka ah sida wadooyinka, Biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha Dalkeena in wax badan aanu ka qabano” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Hadaan nabad-gelyo jirin horumar lama gaarayo, horumarkuna waxaa uu ku xiran yahay nabad-gelyada, cidna dawladdu gorgortan kala gelimayso nabadgelyada iyo jiritaanka Puntland ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Waxaan rajeynayaa in sanadba sanadka ka dambeeya horumarku sii siyaado, wadooyinku noo siisiyaadaan, ceelasha biyuhu sii siyaadaan garoomada diyaaradaha iyo dekeduhu noo sii siyaadaan insha’allah Puntland isbedal dhab ah ayaa ka dhicidoona ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

no images were found

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2014 dhagax dhigay wadadaan, waana wado muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ay wadadaan isku xiraysaa xaafadaha Wadajir, Horseed iyo Waaberi.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online