Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Mr. Thilasoni Benjamin Musuku (Masawiro)

March 7, 2015 - Written by Editor

IMG_9299Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-7-2015 xafiiskiisa Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafti ka socday Bangiga Aduunka weftigaas oo uu hogaaminayo Mr. Thilasoni Benjamin Musuku, oo ah mas’uulka Bangiga Aduunka u qaabilsan horumarinta mashaariicda ganacsiga goonida loo leeyahay.

Madaxweynaha iyo waftiga ayaa ka wada hadlay  arimo ay ka mid yihiin, Horumarinta Bangiga Puntland iyo kobcinta qaabka uu u shaqeeyo Bangigu, In Bangiga Puntland loo dejiyo qaabka xisaabta ee casriga ah, In Wasaarada Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga Puntland laga caawiyo in ay dadweynaha u fudaydiyaan shaqada, sida bixinta laysinka ganacsiga.

Kullanka ayaa mudadii uu socday sidookale looga hadlay laguna falanqeeyey saamiga ay Puntland ka heli doonto 30 million oo dollar oo Bangiga Aduunku ugu talagalay Soomaaliya oo dhan.

Bangiga aduunka ayaa balanqaaday in uu kabo ganacsatada yar-yar ee Puntland isaga oo siinaya lacag taageero ah, balse looga baahan yahay ganacsatadu inay soo buuxiyaan shuruudaha laga rabo.

Dhinaca kale Bangiga Adduunka ayaa balan qaaday in mashaariic ay ka hirgelin doonaan bisha June  ee sanadkan 2015, mashaariicdaas oo ay ka faaiidaysan doonaan shacabka reer Puntland.

no images were found

Kulankan maanta uu Madaxweyanahada dawladda Puntland la yeeshay masuuliyiinta ka socotay Bagigaga Adduunka ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo abuuri lahaa jewi wadashayqanayd oo wanaagsan, kaas oo uu dhexeeya dawladda Puntland iyo Bangiga Adduunka.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online