Madaxweynaha S/land oo soo saaray xeerka Diwaangelinta Sekada, (Warsaxaafadeed)

March 8, 2015 - Written by Editor

siilaanyoHargeysa:-Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxmauud (Silaanyo) ayaa soo saaray xeer aasaasay diwaanka Sakada, waxaana uu Madaxweynahe Axmed Maxamed Silaanyo u magacaabay Diiwaanka Sanduuqa Sakawaadka in uu gudoomiye ka noqdo Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire waxaana ku xigeen u noqon doona Sheekh Cawil Faatax Shire waxaa sidoo kale Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada loo magacaabay Sheekh Ibraahin Axmed Siciid.

Nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedja ayaa waxaa uu soo gaaray Halgan.net waxaan uu u qornaa Sidan

WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
wuxuu maanta aas-aasay xafiiska  Diwaangelinta Sekada, isla markaasina wuxuu u magaabay saddex Masuul oo noqon doona, Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada,Gudoomiye ku xigeen  iyo Agaasime guud.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:                   Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:                   Qodobka 12aad, Faqradiisa 7aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:                   Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Helay:                   Qoraalka Talada Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta;
Wuxuu  Go’aamiyey
Xeerkan oo lagu aasaasayo Xafiiska Diiwaanka Sekada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Qodobka 1aad
Aasaasidda Xafiiska Diiwaanka Sekada
Waxa halkan lagu aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada oo yeelanaya qofnimo qaanuuneed, shaambad u gaar ah iyo astaan, isla markaana hoos tegaya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Qodobka 2aad
Mas’uuliyadda Xafiiska Diiwaana Sekada
Xafiiska Diiwaanku wuxuu si toos ah uga mas’uul yahay in uu si wanaagsan u guto una maamulo xilkiisa iyada oo uu qaadayo talaabooyin lagu ilaalinayo sekada, isaga oo raacaya sharciga dalka.
Qodobka 3aad
Ujeeddooyinka Loo Aasaasay Xafiiska Diiwaanka Sekada
Ujeeddada Xafiiska loo aasaasay waa:
Dhaqan-gelinta waajibka Sekada.
Faafinta iyo ku wacyi-gelinta dadka ahmiyadda sekada.
Guddoomidda, uruurinta, qaybinta iyo maamulka sekada si loo xaqiijiyo is-kafaalo qaadashada iyo isu-naxariisashada dadka dhexdooda
Qodobka 4aad
Xilka iyo Waajibaadka Xafiiska Diiwaanka Sekada
Xilka iyo Waajibaadka Xafiisku waa:
Qaadashada iyo dejinta shuruudaha shaqaalaha sekada.
Ka-guddoomidda  qofka bixinaya sekada qadarka sekada ee ku waajibtay.
Aqbalaada qiraalka saka-bixiyaha.
Dhigidda sekada Xisaabta Xafiiska ee Baanka Dhexe ee Somaliland.
U qaybinta sekada qaybaha shareecada islaamku u xaddiday, iyada oo masaakiinta iyo dadka saboolka ah (foqorada) la siinayo wax ay kaga-maarmaan sekada.
Qodobka 5aad
Qaab-dhsimeedka Xafiiska Diiwaanka Sekada
Qaab-dhsimeedka Xafiisku wuxuu ka kooban-yahay:
Guddida La-talinta
Guddoomiye.
Guddoomiye Ku-xigeen.
Agaasimaha Guud.
Qodobka 6aad
Guddida La-talinta
Guddidu waxay ka koob-naan doontaa:
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.
Laba xubnood oo Madaxweynuhu soo magacaabayo, oo noqon doona Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.
Qodobka 7aad
Xilka iyo Waajibaadka Guddida
Xilka iyo Waajibaadka Guddida waa ka talo-bixinta:
Hagidda iyo maamulidda hawl-qabadka Xafiiska.
Hubinta in hawlaha sekadu u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.
Miisaaniyada xafiiska.
Qorshaha fog iyo ka dhow ee xafiiska.
Uruurinta iyo qaybinta sekada.
Baahiyaha iyo arrimaha la soo gudboonaada xafiiska.
Qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.

Qodobka 8aad
Shuruudaha Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka
Guddoomiyaha ama Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiisku waa in:    Uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka, da’diisuna aanay  ka yarayn 35 sanno;    Uu leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay’addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka-yarayn 3 sanno.
Aanuu kicin (musalifin) ama aanu caydhoobin.
Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.
Qodobka 9aad
Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka
Guddoomiyaha Xafiisku wuxuu u xil-saaran-yahay:
Go’aaminta qaybinta Maalka sekada.
Kobcinta iyo isku-duwidda xidhiidhka uu la leeyahay Xafiisku laamaha kale ee Dawladda.
Matelaada iyo ku hadalka magaca Xafiiska Diiwaanka Sekada.
Saxeexidda qoraallada rasmiga ah ee Xafiiska.
Magacaabista guddi-hoosaadyo, Isku-dubaridka iyo daba-galka hawlaha guddi-hoosaadyada.
Furidda lambar xisaabeedka Xafiiska.
Daba-galka iyo hubinta in hawlaha Xafiiska Diiwaanku  u fuleen si waafaqsan shareecada islaamka.
Qodobka 10aad
Awoodaha Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka
Guddoomiyuhu si uu u gud-to xilkiisa wuxuu awood u leeyahay:
Gelidda heshiisyada lagama-maarmaanka u ah xil gudashada Xafiiska.
Go’aaminta qaybinta maalka sekada iyo sadaqooyinka si waafaqsan shareecada islaamka.
Qaadista talaabooyinka lagu horumarinayo maamulka, soo ururinta iyo qaybinta sekada.
Dejinta qorshayaasha Xafiiska.
La-xisaabtanka iyo kormeeridda Agaasimaha Xafiiska iyo shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka
Ansixinta qorshaha shaqaale qorista ee Xafiiska Diiwaanka ee uu soo jeediyo Agaasimaha Xafiiska Diiwaanku.
Hubinta in qorshayaasha Diiwaanku ay u fuleen sidii loo dejiyay.
U yeedhista hanti-dhowrayaal maaliyadeed oo madax-bannaan iyo kuwa dawladdaba si ay baadhis xisaabeed ugu sameeyaan Xafiiska.
Qodobka 11aad
Xilka, Waajibaadka iyo Awoodaha Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska
Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanku wuxuu u xil-saaran-yahay:
In uu ka caawiyo Guddoomiyaha xil gudashadiisa.
In uu qabto xilka uu u igmado.
In marka uu maqan-yahay Guddoomiyuhu ama sababo ka baxsan awoodiisa u gudan-kari waayo xilkiisa, fuliyo xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 9aad ee Xeerkan, isla markaana adeegsado awoodaha Guddoomiyaha ee ku xusan Qodobka 10aad ee isla Xeerkan.

Qodobka 12aad
Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada
Shuruudaha Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekadu waa in uu:
Yahay Muwaadin reer Somaliland ah oo Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka.
Da’diisuna aanay  ka yarayn 25 sanno;
Leeyahay khibrad maamul oo uu kaga soo shaqeeyey Hay’addaha Dawladda ama dhigooda, oo aan ka yarayn 3 sanno.
Yahay ruux aan kicin (musalifin) ama aan caydhoobin.
Shantii sanno ee u dambeysey Maxkamadi ku ridin xukun ciqaab ah.
Qodobka 13aad
Xilka iyo Waajibaadka Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka
Xilka iyo waajibaadka Agaasimaha Guud waa:
Diyaar-garaynta miisaaniyad sannadeedka.
Hagidda, maamulidda iyo kor u qaadida tayada shaqaalaha Xafiiska Diiwaanka.
Diyaarinta qorshaha qaab-dhismeed iyo shaqaalaynta kaas oo ay ku jirto cabirka mushaharka iyo qaabka shaqo qorista.
Isu-dheelitirka miisaaniyadda iyo diyaar-garaynta xisaab-xidhada Xafiiska.
Diyaar-garaynta qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee Xafiiska.
Qodobka 14aad
Maaliyadda Xafiiska Diiwaanka
Maaliyadda Xafiisku waxay ka imanaysaa ilahan soo socda:
Sekada laga guddoomo ama laga soo ururiyo dadka ay ku waajibtey.
Qadarka maaliyadeed ee looga qoondeeyo Miisaaniyadda Qaranka.
Hibada iyo sadaqadaha aan shuruudda ku xidhnayn.
Qodobka 15aad
Maaliyadda iyo Hab-Xisaabeedka Xafiiska Diiwaanka
Hab-Xisaabeedka Xafiisku waa in uu:
Ahaado mid sax ah oo hufan islamarkaana ay ka muuqato dakhliga iyo kharashkuba taas oo ku salaysan hannaan xisaabeedka dalka.
Xisaab-xidh saddex biloodle ah u gudbiyo Madaxweynaha iyada oo uu u soo marinayo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.
Magacaabida Masuuliyiinta Xafiiska Diiwaanka Sekada JSL.
1. In Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Sheekh Cawil Faatax Shire, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Sheekh Ibraahin Axmed Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Xafiiska Diiwaanka Sekada Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online