Muxaadaraadkii laga jeediyey Nadwo Cilmiyeed ka socota Masjidka Al-Huda Garowe (Vedio+Masawiro)
March 4, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa caawa oo Taariikhdu tahay 4/4/2015 galay habeenkii labaad kulan cilmiyeed kii kasocday Masjidka Weyn ee Al-Huda Magaalada Garowe kulankaan oo ahaa mid xiriir ah ayaa caawa galay habeen kiisii labaad waxaana caawa kabaxay masjidka Labo darsi waxaana kuqornaa sidii horay loo iclaamiyay labada sheekh .Sh Cabdi Rizaaq Suldaan Dahabi Iyo Sh Mukhtaar Axmed Farax .
Waxaana darsiga qaybtiisa hore galay Sh Cabdi rizaaq Dahabi waxaana sheekhu Dul istaagay Aayad kamid ah ayaatka Qur’aanka ka kariim kaa (والدين اوتوا العلم درجات) waxaana sheekhu sheegay in qofkii eebe cilmi siiyay uu yahay qof uu siiyay aduunkoo dhan waxaana uu bulshada oo dhan ugu baaqay in ay bartaan Cilmiga diinigaa waana kaas kan lagu gaarayo horumar aakhiro iyo aduunayuu raacshay sheekhu .
Waxaana sheekhu bulshada qaybaheeda kalduwan kudhiiri galiyay in ay waqtiga ay haystaan kafaa iidaystaan waxaana uu kutilmaamay waqtiga in uu yahay hantida qofku haysto waxa ugu qaalisan .
Darsiga qaybtiisa labaad waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Sheekha oo isna dhankiisa kuqornaa Ciwaanka ah (Xaqiiqada Shiicada) Sheekha oo kamid ah culimada wax kaqoray Shiicada ayaa ku dheeraaday in uu kalasaaro qaybaha ay kakooban yihiin Shiicadu iyo waliba waxay kala aamin san yihiin iyo dhaqamadooda .
no images were found
Sheekha uu bulshada usoo bandhigay caawa darsi aad loo wada sugayay waxaa uu kahadlay Shiico waxay aamin san yihiin iyo awoodaha ay maanatay kuleeyihiin dunida islaamka waxana uu sheegay sheekhu in ay lawareegeen Dowlado badan oo Zuniyiintu katalin jirtay waxaana sheekhu Xusay Wadamada Ciraaq Iyo Yaman islamarkaana waxaana sheekhu kadigay in maantay ay ku soo badanayaan soomaaliya iyagoo waliba Xafiisyo kafurtay muqdisho .
Mar sheekhu kawarbixiyay shiicadu sida ay maanatay ugu soo qulqulayso soomaliya geesaheeda ay tahya waxaan lasuuraysan Karin waxaana loobaahan yahay iyadoo lamidaysan yahay in laga hortago fikirkooda guracay .
Hoos ka Daawo Darsigii 2aad ee Nadwada ka socta Masjidka Al-Huda magaalada Garoowe
Hoos ka Daawo Muxaadarada Sh Mukhtaar uu kaga hadlay Shiicada iyo Khatarteeda Masjid Al Huda Garowe Masjid Al Huda Garowe
Xadgudubka Diineed iyo Khatartiisa Sh Cabdi Qani Qorane Maxamed.
Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland.