Olole lagu baraarujinayo Ardayda Iskoolada oo Mu’asasada Al-minhaaj wado.[Masawiro]
March 26, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta ayaa todobaadadii la soo dhaaafay waday olole lagu wacyi galinayo, da’yarta dhigata Iskoolada magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Ololahaan oo mudo usbuuc ah socday ayaa u jeedooyinka laga lahaa waxaa ka mid ah:-
1. In laguto waajibka dacwiga ah.
2. In dhalinyarta iyo da’yarta soo koraysa laga wacyi galiyo loogana digo Khataraha fitanta iyo dhibaatooyinka jira.
3. In ardayda lagu wacyi geliyo dhaqanka wanaagsan loogana digo dhaqanka xun.
4. In ardayda lagala hadlo balwadaha xun xun.
5.In ardayda lagu dhiiri geliyo u diyaar garawga imtixaanka Shahaadiga ah ee midaysan ee sugaaya fasalka 4aad ee Dugsiga dhexe iyo kan 4aad ee Dugsiga sare.
6. In la dhiiri galiyo maamulaasha iskuulada iyo macalimiinta lagalana qayb qaato culayska tarbiyeynta da’yarta.
Waxaa dhacay asbuucan 11 booqasho oo dugsiyada sare iyo hoose dhexe ah waxaa ka mid ahaa iskuulada la tegay asbuucan Najaax sare , Shaafici qaybta wiilasha iyo qaybta gabdhaha , Najaax hoose dhexe , Daarul biri , Bandar qaasim qaybta dugsiga sare , Cusmaan binu cafaan , Bander qaasim hoose dhexe , Daarul qur’aan , Umul quraa .
Culimada ka qayb qaatay ololahan waxaa ka mid ahaa :-
1. Sh Mahad Cabdulaahi .
2. Sh Axmed Faarax Dheeli .
3. Sh Siciid Cusmaan Yuusuf .
4. Sh C/shaafi Axmed Cali .
5. Sh Mukhtaar Axmed .
6. Sh Ibraahim Bisle Maxamed .
7. Xasan C/ laahi Xasan .
8. Ciise Siciid Maxamed .
Ololahani ma ahan kii ugu horay e waxaa ka horay kuwa badan oo ay ugu danbayeen kii qaad diidka iyo waliba kii la dagaalan ka qabyaalada iyo u hiilinta Nabigeena Muxamed Naxariis iyo Nabed gelyo korkiisa aha ahaatee .
no images were found
Xafiiska warbaahinta guud
ee Mu’asasada Al-minhaaj.