Prof.Cali Khalif oo waraysi uu siiiyey BBC-da uga hadlay shirka Istanbul.[Dhagayso]
March 3, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Wufuudda ay dowladda Federaalka iyo Somaliland u kala dirsadeen wadahadalka Istanbul, ayaa maanta ku soo kala laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, ka dib markii uu furmi waayay wadahadalkaasi. Wafdiga Somaliland ayaa ka dalbaday kan dowladda Federaalka ah, in wadahadalka laga saaro xubno ay sheegeen in ay ka soo jeedaan deegaannada Somaliland, dalabkaasi oo uu ku gacan sayray wafdiga Federaalka.
Xubnaha ergada Soomaalida uga qayb gali lahaa shirka ee Somaliland ay diiday ayaa waxaa ku jiray kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda maamulka Khatumo. Madaxweynaha maamulkaas Prof.Cali Qaliif Galleyr ayaa waxaa uu ka hadlay kulankaas fashilmay. Wuxuu sidaas oo kale Prof. Cali Khaliif Galleyr ka hadlay waxa uu ka hayo Muqdisho iyo kulamo uu la qaatay madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamud.
Wareysiga Ali Khaliif ee Wariyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimuu hoos ka dhageyso:
[audio: http://wsodprogrf.bbc.co.uk/somali/dps/2015/03/alikhalif_150303_alikhalif_au_bb.mp3]
Source:- BBC