Ra’iisul wasaaraha DFS oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Qatar.

March 20, 2015 - Written by Editor

safaarad1Doha:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar oo socday muddo labo sanadood ah. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku ammaanay Safiirka iyo Shaqaalaha safaaradda dadaalka ay ku bixiyeen dhismahan cusub.

Safiirka Soomaaliya ee Qatar, Danjire Cumar Idriis ayaa ka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa uga warbixiyay howlihii kala duwanaa ee lasoo maray intii lagu gufda jiray dhismaha cusub ee safaaradda.

“Sharaf ayay ii tahay in aan manta furo dhismahan cusub, waxaan ugu hambalyaynayaa dhamaan mas’uuliyiinta, shaqaalaha safaaradda, Injineerada Soomaaliyeed iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalka Qatar howsha wanaagsan ee umadda ay ugu adeegayaan iyo xooga ay galiyeen dhismahan cusub ee safaaradda oo ah mid wax weyn u taraya dawladda iyo dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isaguna ku dhiiri galiyay mas’iiliyiinta iyo shaqaalaha safaaradda in ay mar kasta u istaagaan u adeegidda danaha umadda Soomaaliyeed isla markaana ay horumariyaan shaqada safaaradda si ay ugu adeegto danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jooga magaalada Doha booqasho rasmi ah iyadoo ay ku weheliyaan xubnaha wafdigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdisalaan hadliye Cumar, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caynte, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Mudane Cali Axmed Jaamac Jaangali, Wasiirka Caafimaadka, MarwoXaawo Xasan Maxamed iyo Mudane Cumar Idriis, Danjiraha Soomaaliya ee Qatar.

—DHAMAAD—

Ridwaan Haji Abdiwali
Afhayeenka Xukuumadda,
Doha, Qatar

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online