Raisul wasaaraha DFS Dr.Cumar Cabdirashiid oo gaaray Degmada Dhuusamarreeb

March 7, 2015 - Written by Editor

cumar_cabdirashiid_jpg2Dhuusamarreeb:-Wafdi uu hoggaaminayo Raisul wasaaraha DFS Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Wafdiga uu hogaaminayo Raisul wasaaraha DFS Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo saraakiil kale oo ka tirsan DFS.

Amaanka Degmada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn u adkeeyey ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti oo gaaray Degmada Dhuusamarreeb.

Wafdi uu hoggaaminayo Raisul wasaaraha DFS Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa gacan qaaday masuuliinta gobalka Galgaduud ,shacab badan oo soo dhaweeyey.

Raisul wasaaraha DFS Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa la filayaa in uu gaaro Degmada Guriceel halkaas oo kula kulmi doono mdaxada kooxda Suufiyada ee haatan gacanta ku heysa Guriceel,

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online