Sacuudi:Murqaha Siyaaasadeed ee ay Muujisay Sweden W/Q Mukhtar Qoransay
March 30, 2015 - Written by EditorRiyaad:-Dhacdada dhexmaray Sacuudigu iyo Sweden, markaan u eegno si xeel-dheer, waxaa iswaydiin leh saameynta ay ku yeelatay Sweden iyo natiijada ka dhalan karta dhanka wadamada Muslimiinta ee ay Soomaaliya ka mid tahay? Awoodda-siyaasadeed ee Sucuudigu yeelan karo? Ma dhaqdhaqaaq ayaa soo galay ruuxiyadda Islaamka ee mudada kujirtay cusbitaal mise boqortooyada reer Aala-Sucuud ayaa fursado ka faa’iiday oo khabiir ku noqotay siyaasadda dunida?
Wasiirada arimaha dibadda ee Sweden (Margot Wallström) ayaa ololaheedi doorashada 2014 balan qaadday siyaasad dibadeed ku salaysan ‘feminist’, hadii uu xisbigeeda ku guulaysto. Mindhaa iyadoo arinkaa ka dhabanaysay, ayay hadal adag oo aysan ka fiirsan ka tiri xukunkii ay maxkamad Sacuudiya ku riday Raif Badawi o ah nin Sacuudiyaan ah oo lagu eedeeyay inuu diinta Islaamka aflagaadeeyay. Hadalkeedaas oo guud ahaan iyo gaar ahaan ka caraysiiyay faragelinta Boqortooyada Sucuudiga arimaheeda gudaha iyo kadib dowladaha Islaamka. Sucuudigu waxay qaadeen 2-talaabo oo xanuun ku noqday dowladda Sweden:
- Siyaasiyan: waxay ka hor istaageen Wallström shirkii Jaamacadda Carabta inay ka hadasho marti-sharaf ahaan (Democracy & Human Rights), waxay ku kacsheen dunida Islaamka, iyado la isla rogrogay aflagaadadu inay tahay mid ku wajahan Islaamka, illaa “Organisation of Islamic Cooperation” ka soo saartay oraah oranaysa “Sweden needed not to claim moral-authorty to pass one-sided judgements and moral categorisation of others“. Wadamo badana way canbaareeyeen,,ugu danbeeyeen Sudan iyo Somaliya oo Sweden tiri “Xattaa Soomaaliya miyaa ku dhiiratay inay na canbaarayso“? Waxaa kale oo nuuxnuux yiri Muslimiinta ku nool Sweden.
- Dhinac dhaqaale: Sweden waa wadan warshado, gaar ahaan booska 12aad kaga jira soo saarka iyo dhoofinta hubka. Waxayna u dhoofiyaan Sucuudiga sanadkii badeeco qiimaheedu yahay $1.3 billion. Sucuudi waxay ka soo kaxaysatay safiirkeedi, waxayna go’aansatay inay joojiso visa-ha ganacsatii Swedish-ka, una cusboonaysiiso kuwa jooga Sucuudiga.
Lobby-gaas siyaasadeed iyo xiyiridda fursadaha dhaqaale,waxay ka dhalisay gudaha Sweden dood iyo qoraalo aan kala istaagin. Wasiirkii hore Arimaha Dibadda Sweden Carl Bildt, 31 ganacsato rug culus ah, dibloomasiyiin iyo cilmi baarisyo uu ugu horeeyay Janson oo Global Studies kadhiga jaamacadda Gøteborg, ayaa dhaliil adag usoo jeediyay Wallström inay xaalad adag gelisay Sweden siyaasiyan iyo dhaqaale ahaan oo warshado iyo dad badan shaqo waayayaan hadalkeeda awgiis, ilaa la soo jeediyay in xilka laga wareejiyo.
Wallström waxay taageero ka doontay Scandivianka oo Danmark ugu af-dheertahay. Wasiirka Arimaha Dibadda ee Danmark (Martin Lidegaard) ayaa muujiyay inaysan taageeri karin oraahda-Wallström, qolo walbana u haboon tahay inay hadalka u dhigaan sida masaalixdooda ugu jirto. Danmark waxay khibrad u leedahay dharbaaxadii dhaqaale ee ku dhacday 2006 iyo midda Shiinuhu u gaystay Norway, markii ay faraha la galeen arimaha Shiinaha, kadib kalluunkoodi laga mamnuucay Shiinaha. Danmark-na ku tiri anaga hana qalaafsanina. EU laftigeeda taageero laga doonay, balse uma soo jaleecin oo way ka gaabsatay arinkaas!
Natiijada
Wallström wuxuu arinkaa u gaysatay madax-xanuun iyo nasasho yaraan ilaa ay u tagtay boqorka Sweden (Carl XVI Gustaf) bal si xaalka loogu xaliyo qaab boqortooyo. Arinkaasi cagsi ku noqday xuquuqda dumarka ee Wallström u doodaysay. Doodihii kadhacay Sweden waxay gaareen heer ay haweenaydii u saraysa xisbiga xukunka haya (Mona Sahlin) tiri, “dharbaaxadaas waxay ugu dhacday Wallström,waayo waa dumar, hadii ay nin ahaan laheyd sidaas ma noqoteen“! Su’aashuna waxaa weeye oo mar hadii dumarnimo awgeed, loola jirsan waayay Sweden dhexdeeda, yaa ku taageeraya xuquuqda dumarka wadamo kale? Si xaaladda loo dajiyo boqor Carl XVI Gustaf ayaa waraaq u diray boqor Salman bin Cabdulcasiis, isagoo tilmaamaya muhiimadda xiriirka ka dhaxeeya labada dal. Sidoo kale dowladda Sweden waxay dirtay wafdi uu horkacayo Mr. Björn von Sydow, si xaaladda siyaasadeed loo soo dajiyo, hoosna laga xariiqo inay labada ka dhaxeeyo is-ixtiraam iyo xiriir wanaagsan, arinkaan oo la isku soo waafaqay sida labada dal ay warinayaan, Sacuudina way soo celisay safiirkeedi. (http://www.government.se/sb/d/6671/a/256592).
Faa’idada
Dhawr arinba dhacdadaan waa laga fahmi karaa in ay ruux-Islaami ah cusbitaal ka soo kacayso, waxna la soo fahmayo .
1) In siyaasiyan la isku taageero oo hal-oraah la soo saaro awoodda-saameyneed ee ay leedahay.
2) Reer Galbeedka waa dad ilaalsada masaalixdooda aduunyo, hadii tuubada dhaqaalaha laga taabto,way sahlan tahay inay la xaajoodaan dad aysan isku mabd’a aheyn, sidaana la isku ixtiraamo.
3) Ninkii xisaabtiisa si saxa iskugu dhufsada, xoog dhaqaalana yeesha, inaan lagu soo degdegi karin, laakin waan baahanahay waxna waan canbaareyn, waa habdhaqanka qof aan xisaabaha isku dhufsan, ciyaarta dunidana fahansaneyn.
Nuxurku waa in hadaladii Erdogan ee bilowga sanadkaan iyo dhacda-daanba, ay ka dhalanyso, hal cod oo Muslimiintu ku difaacdaan xuquuqahooda lagu tuman jiray iyo booskooda ay ku leeyihiin bulshadaha dunida. Laakin reer Aala-Sacuud niyadoodu ma sidaas baa? Casharka ay Wallström baratay waxaa weeye.
1) in qofka marka uu dagaalamayo uu si feejignaan leh u xusho kalmadihiisa.
2) Masaalixda dalka inay ka muhiimsan tahay ololaha loogu yeero xuquuqul-insaanka ee wadamada kale loo yeeriyo. 3) Inaysan ku degdegi doonin wadamada Muslimiinta ee isku filan dhaqaale ahaan ama leh awood saameyn siyaasadeed.
Joornaalada caalamka ugu waaweyn TheEconomist, Foreign Policy, Washington Post, The Independent, Dagens Nyheter iyo kuwa kale waxay isku raacsan yihiin inay Sweden iyo Wallström cashar qaateen, dalal badana arinkaas oo kale ka fiirsan doonaan.
Soomaalida qaarkeed ayaa laga yabaa inaysan fahansaneyn maslaxadda guud ee arinkaan ugu jirta sharafta Muslimiinta codkooda midaysan iyo cadaadiska lagu hayo, iyagoo meel soke ka eegaya habdhaqanka Boqortooyada Sacuudiga. Balse markaan oo kale waa inuu qofk caaqilka ahi, eegaa sawirka guud iyo siyaasadda dunida la isku haysto iyo meesha ay ugu jirto dantiisa aduunyo iyo tan Aakhiro.
Dowladda Soomaaliya maxaa la gudboonaa inay ka faalooto ama ka faaloon? Waa arin la xiriirta masaalix oo u baahan qiimeynteeda gaarka ah, iyadoo lagu eegayo indho-siyaasadeed iyo maslaxadeed.
Mukhtar Qoransay
qoransay@gmail.com
kmagasin.com