Saraakiil ka tirsan DFS oo Fududeeyey Qaraxii Hotel SYL oo lagu xiray Muqdisho

March 8, 2015 - Written by Editor

????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????????Muqdisho:-Saraakiil badan oo ka tirsan DFS ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ka dib markii lagu soo eedeeyey in ay fududeeyeen qaraxkii ka dhacay Hotel SYL kaas oo sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Hotel SYL ayaa waxaa ku sugnaa xiligii uu dhacay qaraxa saraakiil ka tirsan dalka Turkiya kuwaas oo hordhac u ahaa booqashadii uu Madaxweynaha turkiga ku yimid magaalada Muqdisho .

Saraakiishaan oo Ku xiran Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kala yihiin
1: Max’ed Daahir Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan
2: Max’ed Ismaaciil Indho Koray Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde
3:Cali Shiine Taliyaha Qeybta Galbeed
4: Bashiir Jandhig Taliye ku xigeenka Saldhiga Degmada Hodan.
5:Mahad Cabdixakiin Mahad Korow Taliyaha Nabad Sugida ee Degmada Wardhiigleey.
6: Max’ed Qadar Max’ed Xasan Taliye ku xigeenka Nabad Sugida Degmada Waaberi.
7: Xasan Daahir Taliyaha Howl galinta Nabad Sugida
8: C/fitaax Aadan Biid Taliyaha Alfa Police.

Ciidanka DFS iyo saraakiishooda ayaan qaadan mushaaro ku filan waxaana ku yar khibrada ciidan iyaga oo u badan maleeshiyaad taas oo sababta in ay mar marka qaar lacag ka qaataan xubno ka tirsan Al-Shabaab xabsigana ka sii daayaan ama sahlaan qaraxyada lagu weeraro madaxada DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online