Sh.Mustafa X. Ismail oo soo Gabo Gabeeyay Socdaal dacwi ah oo uu ku tegay Sudaan[Masawiro]
March 3, 2015 - Written by EditorSudan:-Daaciga weyn ee Sh.Mustafa Xaaji Ismail oo inta badan looga bartay in uu Muxaadaraad iyo nadwooyin diini ah ku qabto wadamada reer Galbeedka ayaa socdaal Dacawi ah oo qaatay mudo 5-maalmood ah ku yimid Magaalada Khartuum ee Caasimada Dalka Sudaan halkaas oo uu ku qabtay Muxaadaraad kala duwan oo ka hadlaya Mawaadiic ku Munaasab ah ardayda somalida ah ee halkani wax ku barta.
Socdaalkan ama mu’tamarkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Raabidada ardayda Soomaaliyeed caalamiyiinta ah ee dalka Sudaan رابطة طلاب الصوماليين العالمية بالسودان taas oo ah Raabido ka shaqeysa dacwada iyo Towjiihinta ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka dibadiisa.
Sheikha oo soo gaaray magaalada Khartoum oo caasimad u ah dalka suudaan ayaa waxa uu qabtay intii uu ku sugnaa halkani ilaa 4-muxaadarood oo mid ay qaas u aheyd dumarka iyo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sudaan Raabidada iyo qeybo ka mid ah Ganacsatada tirada yar ee ku sugan dalka Sudaan.
Saafaarada somalida ee dalka sudan ayaa qeyb ka aheyd soo dhaweynta sheikha ayada oo qaar ka mid ah muxaadaraadkiisa ay soo xaadireen maxuuliyiin uu ka mid yahay Ustaad Ibraahim Guure oo ah Qunsulka safaarada iyo Cabdulqadir Guulane oo ah u qeybsamaha Safaarada ee Dhanka Waxbarashada.
Cabdicasiis Nuur Caabi oo ah Gudoomiyaha Raabidada ayaa sheegay in guul weyn oo wax ku ool ah ay u tahay raabidada in ay marti galiso sheikha daaciga ah ee weyn Sh.Mustafa Xaaji ismaaciil Haaruun oo somalidu guud ahaan ay aad u taageerto waxaana uu sheegay in ardaydu ay wax badan Cilmigiisa iyo caqligiisuba ay ka Fa’iideen intii uu halkan la joogay.
Muxaadaraadkii iyo kulamadii Sh.Mustafe Xaaji ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan Ardayda ganacsatada iyo qoysaska ku nool dalka Ssuudaan waxaana lagu qiyaasaa tiro ahaan in ay gaarayaan ilaa Lix kun oo qof waxaana uu Barnaamijkii ku soo idlaaday sidii loogu talo galay iyo guul.
Suudaan oo ah wadan Carab afrikaan ah ayaa waxaa oo kow kaga jirata wadamada taageerada la garab istaagay Soomaalida bur burkii dowladii dhexe ka dib waxaana uu si toos ah xiligaasi laga bilaabo siinayay deeqo wax barasho oo kala gadisan waana wadanka ay ardayda ugu badan ee Soomaali ah wax ku bartaan.
no images were found
Abdikamil Yusuf Mohamud
Khartoum Sudan