Sheikh Yaxye Cismaan Suufi oo Muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-rowda ee Boosaaso

March 22, 2015 - Written by Editor

20150320_182950Boosaaso:-Waxaa maalintii  jimca ah , taariikhda hijriguna ay tahay 28\جمادى الأولى\1436هـ ,oo ku began 19/3\2015 kadhacday masjidka al-rowda boosaso muxaadaro aad u muhiim ah, cinwaankeeduna ahaa جددوا إيمانكم )) iimaankiina cusboonaysiiya. Waxaa muxadiraadaas soo jeediyey Sheikh Yaxye Cismaan Suufi, oo dhawaan safar ku yimi magaalada Boosaaso.

Muxaadiradan oo ahayd mid aad usoo jiidatay dadkii dhagaysanayey, sheikhuna ale haka ajarsiiyee, uu si yaableh, usoo bandhigay, ayaa wuxuu diirada ku saaray mowduuca cusboonaysiinta iimaanka.

Ugu horayn, sheekhu wxuu ku bilaabay mahadnaq uu tan aleweyne kadib uu ujeediyey , mu’asasada al-minhaaj,maamulkeeda guud iyo kan ,gobolka bari.

Kadibna wxuu u guda galay, mxudaradii, isagoo ku bilaabay, sababaha ku kiciyey in uu muxadirada ciwaankaan xanbaarsan soo jediyo. Wuxuna tilmaamay baahida xiligaan loo qabo in qofwalba oo muslim ah, uu cusbonaysiiyo iimaankiisa, maxaa yeelay waxan ku jirnaa, xili macaasida iyo fitantu aad u bateen.

Kadibna sheeku wuxuu toos ubilaabay muxaadirada lubigeeda(nuxurkeeda) , isagoo ku bilaabayey, qaacida, ahlu sunuhu aaminsanyhiin, ee ah in iimaanku siyaado iyo naaqusba ku timaado ,isagoo soo bandhigaya daliilo qur’aanka iyo sunaha , loona baahanyhaay, qofwalba in uu iimaankiisa sifiican ula socdo aadna u booqbooqdo.

Intaa ka bacdi, wuxuu u gudagalay sababaha keena in uu iimaanku nusqaamo,isa goo si sifaahfaahsan usoo bandhigay, wxuuna ku soo ururiyey sedex sababoo oo aad muhiim u ah:

no images were found

1- Dunuubta wuxuna wax katilmaamay, raadadka xunxun ee dunuubtu keento iyo qalbiga sida ay raan ugu abuurto.
2- Qaflada ,ama mooganaanta digriga ale iyo xusidiisaa laga mooganaado.
3- Iyo hididiilada aduunyada lagu dheeraado , ama qofku in uu israaciyo aduunyada.

Gabagabdiina wuxuu sheeku ku soo gabagabeeyey dardaaran ku aadan ,cusboonaysiinta iimaanka iyo duco.

Xafiiska guud ee warbaahinta
Mu’asasada Al-minhaaj.

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online