Subxaana Allaah! Ma hadaan Shiicoobaynaa!?Qeybtii 1aad W/Q Abu Khalid Cabdirisaaq Maxamuud

March 6, 2015 - Written by Editor

Maqaal-300x158Muqdisho:-Waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa maqaalo taxane ah oo ka hadli doona khatarta shiicada haatan duulaanka ku ah dalka Soomaaliya waxaana ay ka howlgalaan magalada Muqdisho ee xarunta dalka waxaana uga masuul ah faafinta madhabka Shiicadaha ee munxarifka ah Hay,da Imaam Khumeyni  hoos ka Akhriso maqaalka

Qaybta Koowaad: Bilowgii Xizbu-Laah Qeybtii 1aad ,W/Q Abu Khalid Cabdirisaaq Maxamuud

Wadanka Lubnaan ayaa waxaa ku nool 18 firqo ama Daa’ifo oo diin ku salaysan. Waxaa ugu waaweyn sadex qolo oo kala ah: Muslimiinta Suniyiinta ah, Shiicada Ithnaa- Cashariyada (Al-imaamiyah) ah iyo Kiristaanka. Sadexdaas waxaa kusoo xiga in kasta oo aysan dhana uga soo dhaweyn qolada la yiraahdo Duruusta oo iyaga Muslimiinta lagu tiriyo, inkasta oo aysan ahayn Muslimiin.

Isticmaarkii Faransiiska ee 1920kii Lubnaan qabsaday aad ayuu usii xoojiyay kala qaybsanaanta reer Lubnaan. Waxa uu ku dadaalay talada wadanka in ay gacanta waligood Kiristaanku ku hayaan. Markii Lubnaan madax banaanida qaadatay 1943 ayaa dastuurkooda waxaa loogu qoray in Madaxweynaha wadanku noqdo Kiristaan, Ra’iisul wasaaruhuna noqdo Muslim Sunni ah, Barlamaankana Shiicadu madax ka noqoto.

Sadexdaas Daa’ifo ama Firqo midwalba meel ayay wadanka ka degtaa. Tusaale ahaan; Shiicadu waxay degaan Koonfurta iyo meesha la yiraahdo Sahalu al-biqaac. Sunniyiintu waxay degaan waqooyiga, bartamaha iyo magaalooyinka xeebta ku dherersan sida; Bayruut, Daraabulus iyo Sayda. Kiristaanku iyagu waxay degaan meesha la yiraahdo Jabalu Lubnaan iyo Bayruut Al-Sharqiyyah.

Waxaan filayaa in akhristuhu fahmi karo sababta Xizbulaahi iyo Israa’iil u hardamaan inay tahay nimankaas Shiicada ah oo Koonfurta (Junuubu Lubnaan) ku nool ee aysan ahayn dagaal Caqiido ama Jihaad Islaami ah ama Falastiin lagu xoraynayo ama difaac Lubnaan ee uu yahay difaaca jiritaanka Shiicada ee Lubnaan.
Muuse Sadar iyo Dawrkiisii Shiicada Lubnaan.

Faransiisku waxa uu wadanka gacanta u galiyay Muwaarinada Kiristaanka ah. Sunnada iyo Shiicaduba looma ooyaan ayay ahaayeen in mudo ah. 1959kii ayaa Iyada oo xaaladu saas uga dansan tahay labadaas qolo ayaa Rabi ukeenay Shiicadii nin isku duwe wax hogaamin kara ah oo la yiraahdo Muuse Assadar.
Muuse waxa uu ku dhashay Magaalada Qum eek u taal wadanka Iiraan 1928dii. Magaaladaas ayuu wax ku bartay ilaa uu gaaray heer inuu macalin Fiqhiga dhiga uu ka noqdo Jaamacada Qumm. 1954tii ayuu u wareegay Magaalada Najaf si uu aqoontiisa Madhabka Shiicada uga kororsado Culumadii reer najaf eek u takhasusay madhabka Ithnaacashariga ama imaamiyada. 1959kii waxuu usoo wareegay Lubnaan halkaas oo uu ku noolaa intuu u hartay noloshiisa.
Muuse Saddar labo arimood ayuu wataymarkuu Lubnaan yimid:

A. Fikrad ah inuu Dawlad Shiici ah ka hirgaliyo Lubnaan.
B. Lacag aad u badan si ay ugu sahasho hirgalinta yoolka uu hiigsanayo.

Shiicadu waxay waligeed can ku ahayd la dagaalanka Muslimiinta Sunniyiinta ah, hase yeeshee sidii bartamihii qarnigii 18aad dawladii caanka ahayd ee Shiiciga ahayd ee la oran jiray Assafawiyyah loo burburiyay wax awooda Shiicadu Aduunka kuma lahayn. 1950 aakhirkiisii ayaa kacaan shiici ah oo qaylo iyo qoob isku daraya uu bilaabmay si dawlad shiici ah oo dabaqda mad-habka Ithnaa-cashariga loo helo. Wadamada u sharaxnaa in dawladaas laga taago waxaa ka mid ahaa: Iiraan, Ciraaq iyo Lubnaan. Rag culus oo Maskax iyo lacag wata ayaa loo kala qaybiyay sadexdaas wadan. Ciraaq rag ayaa loo diray, Iiraan oo Shaahii Shaydaanka ahaa u talinaayay Khumayni ayaa Culumadii reer Qumm iyo Najaf isku raaceen inuu hogaamiyo kacaankaas. Lubnaana waxaa loo diray nin aan ka yaraysanin Khumayni oo la yiraahdo Muuse Assadar.

Wuxuu ahaa qorshe aad looga baaraan degay, in mudaana dhaqaale iyo rag xambaara loo diyaarinayay. Waxay balan isku marsadeen in wadamadaas ay dawlado Shiici ah oo ugu danbayna mid noqda ay ka taagaan tobonaan sano-ba ha ku qaadatee. Taariikhda hadaad akhridid waxaad ogaanaysaa dawladihii hore ee shiiciga ahaa ee Caalamka Islaamka soo maray inay saas oo kale loo qabanqaabiyay. Khido tobanaan sano qaadatay, rag iyo dhaqaale.( Akhri dawladii البويهية Al-Buwayhiyah iyo Al-Cubaydiyyah oo isku magacaabi jirtay Al-faadimiyyah).

Siday ku bilaabmeen Xizbulaah

Muuse Assadar oo isir ku lahaa reer Lubnaan ayaa loo doortay Lubnaan inuu ku baxo. Xiriir joogta ah ayuu la lahaa kacaankii uu hogaaminayay Mr. Khumayni oo ay xidid dhinacyo badan ka ahaayeen.
Muuse Saddar markuu Lubnaan tegay waxuu degay Koonfurta oo shiicadu ku badnaayeen. Waxuu aas aasay Iskuulo, Isbitaalo iyo hay’ad khayri ah oo taageerta masaakiinta. Markii dadkii barteen oo jeclaadeen, ayuu dawlada iyo askarteeda daciifnimadooda ka faa’iidaystay oo waxuu aas aasay Maxaakim lagu magacaabay maxaakimu Al-Jacfariyah oo shiicada kala xukunta.

Muuse Assadar waxuu ahaa nin xariif ku ah dibindaabyada iyo cid walba isku lifaaqida si uu hadafkiisa u gaaro. Waxuu arkay in awooda Lubnaan Kiristaanka gacanta ugu jirto, kuwa kusoo xigaana Sunniyiinta yihiin. Isla markiiba waxuu bilaabay inuu Kirishtaanka isku dhajiyo oo uu la jaal noqdo.

Isxijintii iyo la jaal noqoshadiisii Kirishtaanku waxay u sahashay in 1967dii uu Madaxweynihii Lubnaan oo Kirishtaan ahaa u ogolaado Muuse Alssadar inuu dhiso (المجلس الإسلامي الشيعي الأعلى ). Waxaa kale oo uu u ogalaaday in Shiicada lubnaan ay fatwada ka qaadan karaan maraajicda Shiicada ee Iiraan iyo Ciraaq ooh ore aan loo ogalayn.
Ururkii ama Majliskii uu dhisay Muuse Assadar dawladii Lubnaan way aqoonsatay, lacag gaaraysa 10 milyana waxay dowladu go’aansatay in Shiicada reer Lubnaan ee Koonfurta degta la siiyo.

Muuse Assadar waxuu kale oo uu aad isugu lifaaqay Safiirkii Maraykanka ee Lubnaan u fadhiyay, waxuuna ku yiri: waxaan dhalinyarada reer Lubnaan ee Shiicada ah kula dagaalamayaa faafitaanka Jamaal Cabdi Naasir iyo Ishtiraakiyada uu Carabta ku dhexfaafinayo.

Wax walba qadar Alle ayay ku socdaane, arin uusan filayn Mr Muuse Assadar ayaa dhacday. Arinkii taariikhda Falastiiniyiinta iyo Carabtaba caanka ka noqday ee loo bixiyay AYLUUL AL-ASWAD, oo macneheedu yahay Sibteebartii madoobayd ayaa dhacday. Falastiiniyiintii reer urdun ayaa si xun loo laayay intii kalena waa soo qaxeen meel ay degaana Koonfurta Lubnaan ayaa ugu dhaweyd. Arinkaas kuma uusan farxin Muuse, maxaa yeelay falastiiniyiintu – inkasta oo ishtiraakiyiin Cilmaaniyiin ah ay u badnaayeen- waa Sunniyiin. Arinkaas Muuse waxuu u arkay inay hakinayso Dawladii Shiicada ee uu ku haminayay in ay ka hirgasho Lubnaan.

Muuse oo ahaa nin loo soo carbiyay marxalad kasta inuu la qabsado, ayaa Falastiiniyiinta Xaraka Fatax ee Yaasir Carafaad wax soo dhaweynaya iska dhigay dabdeedna waxuu ka codsaday in walaalahoodaan masaakiinta ah ee ay u yimaadeen inay tababaraan oo ay baraan hubabka noocyadiisa kala duwan.

1971dii, ayaa xukunka Siiriya waxaa la wareegay Xaafid Al-asad oo Calawi ahaa. Calawiyiintu in kasta oo Muslimiinta lagu tiriyo, Hadana Shiicada badankeeda iyo Sunniyiintuba waxay aaminsan yihiin inay gaalo yihiin, sababta lagu gaalaysiiyay waxaa ugu weyn iyaga oo Cali bin abii Daalib Allaah u aaminsan.

Muuse assadar isla markiiba Fatwa ayuu soo saaray uu leeyahay Calawiyiintu waa Muslimiin uuna ku ayidaayo Xaafid al-asad.Halkaas waxaa ka dhashay xiriir wanaagsan oo u dhexeeya Xaafid iyo Muuse. Waxuu bilaabay Xaafid inuu ayido kacaankii Khumayni ee ku kacsanaa Shaahii Iiraan. Dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq, Xaafid waxa uu ka soo jeestay dhinaca Iiraan. Ilaa manta oo aan maqaalkan qorayo Calawiyiinta Ina Xaafid iyo Xizbulaahi-da Ilma Sadar waa is wataan, waxaa ka shaqeeyay oo maskaxdaas lahaa Muuse Assadar.

Si maqaalku uusan noo dheeraan, waan soo koobaynaaye;

• 1974tii, Muuse waxuu dhisay xarako lagu magacaabo Al-maxruumiin, oo tiri fuqarada ayaan xaqooda usoo dhicinaynaa. Dadbadan oo reer Lubnaan ah ayaa ku kadsoomay.
• 1975tii, ayuu hadana waxuu dhidibada u taagay Xarakadii hubaysnayd ee la magac baxday AMAL asagaana madax u noqday. Waxii u horeeyay oo uu ku dhawaaqayna waxay ahayd in Falastiiniyiintu ka guuraan Koonfurta Lubnaan.
Dhamaadkii Muuse Assadar.

Muuse Assadar markuu aas aasay Xarakadii Amal waxuu noqday awood aan la yaraysan Karin Lubnaan dhexdeeda. Awoodii uu isbiday waxay soo dedejisay in la waayo jaan iyo cirib meesha uu dhigay Mr Muuse. Dhan waxuu isku taagay oo uu qas ka dayn waayay Lubnaan. Dhan waxuu ka amar diiday ragii awelba meesha usoo dirsaday oo ahaa Madaxweyntii shiicada ee Khumayni iyo ragii Qumm iyo Najaf. Waxa uu siyaartay Shaahii Iiraan oo uu ka dalbaday inuu rag xirnaa u cafiyo, arinkaas Khumayni iyo ragii kacaanka la waday maysan jeclaysan.

Siiriya oo Lubnaan ciidan u joogay, qaybna ku lahayd xoojinta Amal ayaa ka dalbatay in uu ka amar qaato oo dhaq-dhaqaaqiisa dibada kala tashado.
1978dii, ayuu Asaga oo aan Siiriya waxba la socodsiin ayuu u kicitimay Kuwait iyo Aljeeriya. Safarkiisii labadaas wadan markuu soo dhamaystay ayuu Liibiya soo maray. Layaabkii la fasiri waayay waxuu ahaa markii liibiya sheegtay in Muuse Assadar dhulkeeda ka dhoofay 25 Agoosto 1978dii. Dabadeed jaan iyo cirib meeluu dhigay cid sheegi karta lama hayo.

Waxaan shaki ku jirin in uusan airporka Liibiya ku dhex dhuuman. Xaguu qabtay? Lagaran mayo! Dhinacyo badan ayaa lagu tuhmay inay khaarijiyeen Mr. Muuse. Waxaa kow ka ahaa ragii markii hore soo dirsaday oo u arkay inuu ka leexday hawshii loo xilsaaray ama uu noqon karo awood kacaanku markuu dhasho Khumayni la tartami karta. Maadaama uu ahaa nin cadaw badan, waxaa lagu xantaa Siiriya, Liibiya, Shaahii Iiraan iyo Qaybihii dagaalka ahliga ah ku hardamayay Lubnaan.

Muuse waxuu qarsoomay Xarakadii Amal oo hubaysan, Lubnaan oo dagaal Ehli ahi ka bilawday, Sanad ka dibna waxaa dhashay kacaankii Khumayni, afar sano ka dibna Yahuuda ayaa Koonfurta Lubnaan qabsatay.

Xizbulaahi halkaas ayuu ka bilowday si uu usii wado hadafkii hore ee Muuse Assadar, laakiin marakan waxaa si toos ah hogaanka iyo isteerinka u qabtay ragii markii hore soo diray Muuse oo kacaankii iyagu Iiraan ka hir galiyay rabana in sidii hore loogu tashaday Lubnaan iyo Ciraaqba in laga hirgaliyo.

Inbadan oo Muslimiinta ka mid ahi markay xukminayaan dadka ama kooxaha waxaa ka xoog bata waxa Carabiga loo yaqaan (alcaadifah) oo ah niyad wanaag iyo cidkasta oo tiraahda Islaamka ayaan difaacayaa in la iska taageero iyada oo aan la eegin Islaamka uu difaacayo waa kee?.

Baari mayaan kooxdaan sida ay ku bilowdeen, iyo meesha fikirkoodu kasoo jeedo ama waxa uu ku salaysan yahay. Arinkaas waxa uu u keenaa dadbadan oo khayrka jecel inay jaahwareeraan ama qaraar khaldan qaataan. Waxaa dhacda in badan in dadkaas goor xeero iyo fandhaal kala dhacay inay baraarugaan oo shalaayaan mar shalaay uusan waxba tarayn.
Inbadan oo akhristayaasha Soomaalida ahi waan ogahay inaysan danaynayn taariikhda Mr. Muuse Assadar iyo Xizbulaah, laakiin waxaan uga gol leeyahay in aad ogaataan Mr. Muuse Assadar iyo xizbulaahi ama kuwo ay Caqiidada ay isaga mid yihiin in Soomaalida si sahal ah loogu dhex abuuri karo. Shiicadau waxay dadaal kharaar ugu jirta inay caalamka Sunniga ah ay qabsato, afar Caasimadood oo Sunniyiintu u talin jireen ayagaa manta ka taliya, waa: Baqdaad, Dimishiq, Bayruut iyo Sanca.

Guud ahaan Afrika gaar ahaan geeska Afrika ee Soomaalida Sunniyiinta ahi degaan waxay u arkaan goob aad muhiim u ah, waxayna mudo wadeen sidii ay halkaas Shiico ugu talaali lahaayeen.

Subxaana Allaah! Ma hadaan Shiicoobaynaa!?

Lasoco qaybta labaad…..
Abu Khalid Cabdirisaaq Maxamuud

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online