Taliyaha Ciidanka birmadka Gobolka Mudug oo Faahfaahin ka bixiyey howlgalo ka socda Gaalkacyo (Dhageyso)

March 9, 2015 - Written by Editor

GabigabiGaalkacyo:-Taliyaha Ciidanka birmadka Gobolka Mudug ahna taliye kuxigeenka booliska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug G/sare Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-gabi ayaa sheegay in wali socdaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab wuxuuna sheegay in dad dhowr ah ay qabteen.
Taliyaha Ciidanka Birmadka gobolka Mudug oo la hadlay Warbahainta ka howlgasha magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijiyey in ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab oo miino aasayey wuxuuna sheegay in ay baaritaano ku socdaan.

G/sare Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-gabi Taliyaha Ciidanka Birmadka gobolka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobalka Mudug in ay la shaqeeyaan ciidanka amaanka wuxuuna u mahad celiyey shacabkii ku soo wargaliyey rag ka tirsan Al-Shabaab oo miino ku aasayey xaafada xero Darwiish.

Taliyaha Ciidanka Birmadka gobolka Mudug G/sare Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-gabi ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan kulamo looga hadlayo amaanka magaalada Gaalkacyo kaas oo ay ka qeybgalayaan saraakiisha ciidanka qeybahooda kala duwan iyo waxgaradka gobalka Mudug.

Hoos ka Dhageyso Wareysi Radio Daljir uu la yeeshay Taliyaha Ciidanka birmadka Gobolka Mudug G/sare Cabdirashiid Xasan Xaashi Gabi-gabi

[audio:http://k003.kiwi6.com/hotlink/37p5f3clig/gabi_gabi.mp3]

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online