Taliyihii Guud ee ciidanka Al-Nusra Abu Hamaam Al-Shaami oo lagu dilay Idlib
March 6, 2015 - Written by EditorSuuriya:-Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in diyaarado ay leeyihiin ciidanka dalka Mareykanka ay duqeyn ku dileen saraakiil muhiim ah oo ka tirsanaa Jabhada Al-Nusra oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida.
Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada Idlib ee dalka Suuriya waxaana ay diyaaradaha Mareykanku ay duqeeyeen guri ay ku sugnaayeen saraakiil sare oo ka tirsanaa Jabahada Al-Nusra oo uu ugu horeeyo Abu Hamaam Al-Shaami oo ahaa taliya guud ee Ciidanka Jabahada Al-Nursa waxaana sidoo kale duqeynta ku dhintay saraakiil ka tirsan Al-Nusra kuwaas ku jiray golaha Shuurada ee Jabahada Al-Nusra waxayna kala yihiin.
1. Abu Baraa Al-Ansaari
2-Abu Muscab Al-Falastiini
3-Abu Cumar Al-Kurdi.
Abu Hamaam Al-Shaami ayaa waxaa magaciisa la yiraahdaa Samiir Al-Xijaazi wuxuuna caan ka ahaa gudaha Al-Qaacida isaga oo ahaa tababar xirfad dheer leh wuxuuna tababaro ciidan ka ahaa xerada Al-Qurabaa ee Al-Qaacida ee taalay dalka Afgaanistaan.
Abu Hamaam Al-Shaami ayaa waxaa mar taliye ka ahaa mandhiqada Garoonka Diyaaradaha ee Qandahaar xiligii Dhaalibaan ay gacanta ku heysay inta badan dalka Afgaanistaan.
Samiir Al- Xijaazi Abu Hamaam Al Shaami ayaa waxaa uu u soo wareegay dalka Ciraaq markii ciidamada huwanta ay qabsadeen dalka Afgaanistaan waxaana lagu xiray dalka Ciraaq iyada oo markii danbe loo gacan galiyey dowlada Suuriya .
Dowlada Suuriya ayaa sii daysay Samiir Al- Xijaazi Abu Hamaam Al Shaami ka dib markii ay sheegtay in ay ku weyday wax danbi ah wuxuuna u safray dalka Lubnaan mudo yar ka dib waxaa gacanta ku dhigay sirdoonka dalka Lubnaan 2005 wuxuuna u xirnaa mudo dhan 5 sano.
Markii uu dhameystay Samiir Al- Xijaazi Abu Hamaam Al Shaami 5 sano oo xarig ah ayaa waxaa laga sii daayey xabsiga wuxuuna galay dalka Suuriya isaga oo ku biiray Jabhada Al-Nusra ee dalka Suuriya kana noqday taliyaha guud ee ciidanka Jabhada Al-Nusra.
Samiir Al- Xijaazi Abu Hamaam Al Shaami ayaa waxaa uu la soo shaqeeyey Sh Usma Binladen ,Abu Muscab Al-Suuri,Abu Xamza Al-Muhaajir iyo Abu Muscab Al-Zarqaawi.
Abu Hamaam Al-Shaami ayaa waxaa looga dhex yaqaanay Al-Qaacida intii uu ku sugnaa dalka Afgaanistaan Faaruuq Al-Suuri wuxuuna ku biiray Al-Qaacida intii u dhexeysay 1988-1999.
Afhayeenka Jabhada Al-Nusra Abu Anas Al-Shaami ayaa xaqiijiyey dilka taliyaha guud ee ciidanka Jabahada Al-Nusra iyo 4 sarkaal oo ka tirsanaa golaha shuurada ee Jabahada Al-Nusra oo ka tirsan Al-Qaacida.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net