Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha ee DFS oo tegay Kismaayo

March 23, 2015 - Written by Editor

odowaaKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa saaka soo gaadhay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.  Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka warfaafinta ee DFS waxaa uu saaka si rasmi ah u furi doonaa shirkii lagu soo xuli lahaa xubnihii ka mid noqon lahaa Xildhibaanada golaha Baarlamaanka ee maamulka Jubbaland.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odowaa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyey masuuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Maamulka Jubbaland oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Wafdiga Wasiirka Arrimaha gudaha la soo dhaweeyey uuna magaalada Kismaayo ku joogi doono hal maalin oo shaqo ah isagoo kulamo la qaadan doona madax maamulka Jubbaland.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online