Wasaarada Arimaha dibada ee DFS oo tacsi u dirtay ehelada Danjire Bari Bari
March 28, 2015 - Written by EditorMogadishu, March 28, 2015- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer , Wasiir kuxigeen-ka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye”, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Siihayaha Xoghayaha Joogtada Dahabo Omar Mohamed, Agaasimayeyaasha Waaxyaha , Lataliyeyaasha , Safiirada,Qunsulada guud iyo Dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada,qaraabada,asxaabta iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geeridii ku timid Allah u naxariistee Ambassador Yusuf Mohamed Ismail ( Bari-Bari) oo ahaa Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva , ahaana Uqeybsanihii Ururada Caalamiga ee Xaruntoodu tahay dalka Switzerland.
Danjire Yusuf Mohamed Ismail (Bari-Bari) , waxa uu ku geeriyooday 27 –kii bishan March 2015 Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil ( Bari- Bari) ayaa si rasmi ah ugu soo biiray howlaha diblomaasiyadda sanadkii 2007 xilligaasi oo loo magacaabay xilka Egey joogto.
Marxuumka , oo lagu yiqiinay halkudhigga ah ( My beloved Country) dalkeyga aan Jeclahay xilliga uu ka khudbeeyo Shirarka caalamiga , ayaa ahaa wadani , ku faani jiray dal jaceylkiisa , wuxuu u doodi jiray dadka laga tira badan yahay , wuxuu soo bandhigi jiray xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqul insaanka ee ka dhacay qaar ka mid ah wadamada caalamka , taasoo guulo la taaban karo uu ka soo hoyay , si gaar ah dadka la faquuqo ee loo yaqaan “ Albinism” oo Soomaaliduna u taqaan magaca “gudoodow ama Barasle”, iyadoo golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ay si aqlabiyad ah ay ugu codeeyeen soojeedintiisa in la dhowro xuquuqda dadkaasi , loona aqoonsado 13 June maalinta u gaarka ah dadkaasi ( International Albinism Awareness Day).
Marxuum Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari- Bari) oo ifka kaga tagay xaas iyo caruur, ayaa heerarkiisa kala duwan ee aqoontiisa waxbarasho ku kala qaatay Magaalooyinka Muqdisho iyo Rome .
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo- Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations