Wasaarada Waxbarashada iyo Daladaha Dalka oo isku raacay in la qaado Imtixaan Qaran (National Exam)

March 7, 2015 - Written by Editor

DSC_0420[1]Muqdisho:-Wasiirada Wasaarada Waxbarashada DFS Drs Khadar Bashiir oo ay wahelinayaan Wasiiru dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Waaxda Daladaha ayaa waxey kulan la qaadatay Daladaha Waxbarasha ahliga ee dalka ka jira.

Kulanka ayaa waxa uu muhiimadiisa ahaa sidii Wasaaaradda iyo Daladha ay sanadkaan u qaadi lahaayeen Imtixaan Qaran oo ka dhaca Dalka taas oo ay soo dhaweeyeen Daladaha Waxbarashada Dalka. Wasiirada oo hadashay ayaa waxey ka codsatay Daladaha Waxbarashada iney u hogaansamaan lana shaqeeyaan Wasaarada Waxbarashada si dalka loo gaarsiiyo hormar dhanka tacliinta ah.

Sidoo kale Wasiirada ayaa sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada aysan cidna u lug xirnaan doonin islamarkaan sidii lagu heshiiyay ay qaadi doonto Wasaarada imtixaan qaran oo dalka oo dhan loogana baahan yahay bahda waxbarashada iney taageeraan oo si qalbi furan oo la shaqeeyaan Wasaarada.

Drs Khadar Bashiir Cali ayaa waxey balan qaaday in Wasaarada Qiima dhimisi ku sameyneyso sanadkaan lacagta Shahaadada ardada ugua qaadan jireen Wasaarada sidaas si lamid ahna ay ka codsatay Dalaha iney qiima dhimis ku sameeyaan maadaama Caruurta Soomaalida ah aysan awoodin iney iska bixiyaan lacagaas, waana talaaba hormar leh oo Wasiirada ay qaaday.

Dood dheer kadib waxaa la isku afgartay in Gudi labada dhinac ah la sameeyo kuwaas oo ka kala socd Wasaarada iyo Dalada islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii loo hirgalin lahaa imtixaan Qaran oo laga qaado dalka intiisa badan.

Daladaha ayaa arrintaan si weyn u soo dhaweeyay waxeyna balan qaadeen iney la shaqeyn doonaan Wasaarada oo ay ku qanacsan yihiin in dalka laga qaado imtixaan loo wada dhan yahay.

no images were found

Communication Officer
Ministry of Education
Mogadishu – Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online