Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo ka qeyb galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta.

March 8, 2015 - Written by Editor

Dr. Abdusalam Hadliye OmerCairo March 08, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa gaaray maanta Magaalada Cairo ee caasimadda dalka Masar , si uu uga qeybgalo Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed oo beri oo Isniin ah ka furmi doona Xarunta Jaamacadda Carabta .

Dr. Abdusalam Hadliye ayaa ka jeedin doona khudbad fadhiga Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta oo uu kaga hadli doono horumarada ay ku dhaqaaqday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshaha hiigsiga sanadka 2016 .

Waxaa la qorsheeyay in Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ay kaga hadlaan kulankooda arrimaha ka taagan wadamada Soomaaliya , Libya , Syria , Yemen iyo Palestine, waxa ayna u gogol xaari doonaan shir madaxeedka carbeed ee lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Sharm el-Sheikh 28-29 bishan March .

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa kulamo kala gaar gaar ah la kala yeelan doona qaar ka mid ah Wasiirada iyo danjirayaasha shirkaasi lagu casuumay , oo uu kala hadli doono danaha Soomaaliya kala dhaxeeya dowladahaasi.

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online