Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS oo furay shir lagu soo xulayo Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland.

March 23, 2015 - Written by Editor

???????????????????????????????Kismaayo:-Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS  Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo wafdigii uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose waxaana uu ka qeyb galay  shirka soo xulista Xildhibaanada baarlamaanka jubbaland.

Munaasabada si weyn loo soo agaasimay ayaa waxay ka socotaa Ex-caymiska  oo haatan ah si ku meel gaar ah aqalka baarlamaanka jubbaland waxaana goobta ay ka dhacayso shirka soo xulista xubna xildhibaanada jubbaland ku sugan Madaxweynaha dowlda gobaleedka  jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Shirka soo xulista xildhibaanada Jubbaland ayaa waxaa ka qeybgalaya madax ka tirsan DFS oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS   Maxamed Xuseen (Odowaa) salaadiin ,isimo,Ugaasyo iyo bulshada rayidka ah .

Madaxweynaha   jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in mudo dhow ay soo dhamaan doonto soo xulista xubnaha baarlamaanka   jubbaland  .

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Maxamed Xuseen (Odowaa)ayaa  khudbad kooban ka jeediyey shirka soo xulista xubnaha baarlamaanka Jubaland wuxuuna u mahad celiyey madaxda Jubaland isaga oo sheegay in uu furan yahay shirka dhamaystirka baarlamaanka jubbaland .

Soo xulista xubnaha baarlamaanka Jubaland ayaa maraya heer gabogabo ah waxaana la filayaa in uu soo dhameystirmo bilaha soo socda.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online