Wasiirka Difaaca ee DFS oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin dadkii ku barakacay Dagaalkii Guriceel.[Masawiro]

March 6, 2015 - Written by Editor

IMG_7956Guricel, March 6, 2015….Wasiirka Difaaca Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, ayaa maanta kormeer ku tagey goobaha miyiga ah ee ay dagan yihiin dadkii ku barakacay dagaalkii dhawaan ka dhacay Guriceel. Waxana uu wasiirku kormeer ku tagey goobo ka baxsan magaalada qiyaastii 2o KMT isagoo warbixino ka dhageystay dadka shacabka ah ee barakacay, isla markaana balan qaaday in dowladda Soomaaliya intii awoodeeda ah ay gurmad u fidin doonto dadka shacab ka ee dhibaataysan, caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ee wax haystana ugu baaqay in ay soo caawiyaan dadkan dhibaataysan kuwaas oo aysan ilaa iyo hadda wax gar-gaar ah soo gaarin.

Qaar kamid ah dadkii ka soo barakacay dagaalka ee ku sugnaa goobihii uu wasiirku booqday ee deegaanka Daahir Fito iyo Ceel-baraf ayaa uga mahad celiyey Wasiirka sida ay uga go’an tahay in nabad la helo isla markaana ay shacabku guryahoodii dib ugu laabtaan, waxana ay codsadeen in gurmad lala soo gaaro, dowladduna ay ka shaqayso sidii nabad lagu heli lahaa.

Gen. Diini ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay shacabkii deegaanku in ay guryahoodii isaga soo cararaan isagoo xusay  in ujeedka ay gobolka  usoo gaareen uu yahay sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii ka dhacay deegaanka, isla markaana loo soo afjari lahaa dagaalka uu dhiiga badan ku daatay.

“Kormeerka aan maanta idin kugu nimid ahmiyad ayuu noo leeyahay, wuxuuna daba socdaa nabadeyntii aan deegaanka ka wadnay. Dhibaatooyinkii ina soo gaaray 24-kii sano ee la soo dhaafay waan ka gudbi doonnaa haddi intaan Allah kaashanno aan u wada istaagno dadaalkaas. Majiro qof jecel in uu noloshiisa ku qaato goobtan ay idin ku haysato biyo la’aan, Gaajo iyo dhibaatooyin kale oo is biirsaday, dadka Soomaaliyeed ee wax haysta iyo caalamkaba waxaan ugu baaqayaa in loosoo gurmado dadkan dhibaataysan” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini.

Ugu dambayntii, Wasiirka ayaa ugu baaqay kuwa wali u ooman in ay barakiciyaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan, sheegayna in lala xisaabtamayo dadka caadaystay barakicinta dadka maatada ah.

no images were found

—-DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online