Wasiirka G/dhiga C/qaadir Sh Cali Diini “Dowladdu waxay u tanaasulaysaa danta shacabka,

March 8, 2015 - Written by Editor

20150307_112423Guriceel:-Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahaan socdaal shaqo ku joogay gobolka Galgaduud, ayaa kormeer ku gaaray qaar kamid ah meelihii ay dadku ku barakaceen iyo goobaha ganacsiga ee degmada Guriceel, isagoo dhinaca kale kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Har-qadoobe ee qeybta 21-aad halkaas oo ay la wareegeen Ciidamo ka socda AMISOM, isla markaana laga raray ciidamadii horey u daganaa kuwaas oo dagi doona degmad Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday mid kamid ah goobaha dhaca duleedka magaalada oo ay dagan yihiin dadkii ay colaaduhu ka barakiciyeen guryahooda, wuxuna u sheegay dowladda Soomaaliya in ay mar walba garab taagan tahay dadkeeda isla markaana ay hadda ku noqon karaan guryahoodii maadaama heshiis laga gaaray dagaalkii dhacay.
“Aad iyo aad ayaan uga xumaha in aad kasoo barakacdaan guryihiinii halkana ay dhibaato idin ku hayso, waa murugo in aan aragno mustaqbalkii dalkeena oo haysan nolol iyo waxbarasho, waxaase aad u sii murugo ah in aan arko ilmo yar oo haysan gabaad ay maciinsadaan saarana geedaha korkooda, waxaan arkay ilmo 8 sano ka yar oo qori loo dhiibay halkii School loo diri lahaa, taasna waxaa sababay dhibaatada ay colaaddu leedahay, waxaan arkay mustaqbalkii dalkeena oo banaanada ku dayacan. Waxaa lagama maarmaan ah inaan fahamno, garawsanno una istaagno, inaan isku tashanno oo aan ka gudubno dhibka na dhex yaal ee noo diidan horumarka” ayuu yiri Wasiirka Difaaca oo la hadlayay dadkii isaga barakacay magaalada Guriceel.

Sidoo kale Wasiirka ayaa kormeer ku tagay suuqyada magaalada Guriceel halkaas oo ay dadku dib ugu soo laabanayaan goobahoodii ganacsiga, waxana ay wasiirka uga mahadceliyeen dadkii kala duwanaa ee lala kulmay heshiiska uu hormuudka u ahaa ee laga gaaray colaaddii uu dhiigu ku daatay ee ka dhacday deegaanka. Iyadoo uu Wasiirku xusay in tallaabada ay dadku goobahoodii dib ugu soo noqonayaan ay qayb ka tahay socdaalkii nabad raadinta ee uu gobolka u soo gaaray.

Dhan kale, Wasiirka ayaa maanta booqday Dugsiga tababarka Ciidamadda ee Har-qaboobe, wuxuna halkaasi kula hadlay saraakiisha Ciidamadda Xogga dalka Soomaliyeed, wuxuna ku ammaanay sida ay uga go’an tahay nabad in wax walba lagu raadiyo, iyadoo ay ammaanka xerada la wareegeen Ciidanka AMISOM.

no images were found

“Ujeedkeennu waa in ay dadku nabad helaan dibna ugu soo noqdaan gurhaoodii, goobtan oo ahayd fariisin ciidan hadda waxaa sii joogi doona AMISOM oo maanta aan ku wareejinay amniga goobahii ay dirirtu ka dhacday, mar walba waa naga go’an tahay in dadkeena ay xasilooni ku joogaan guryahooda waayo waxaan khibrad nagu filan u haysanaa dagaallada aan laga fiirsan ee micno darrada ku dhaca” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online