Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda DFS oo ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Norwey.[Masawiro]

March 18, 2015 - Written by Editor

IMG_1160Mogadishu, Arbaco, March 18, 2015 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Khaled Omar Ali ayaa  maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Boqortooyada Norway  u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ambassador Victor Conrad Ronneberg .

H.E. Khaled Omar Ali, ayaa kulan la qaatay Safiirka cusub kadib markii uu gudoomay  nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga , isagoo ka sheekeeyay horumarka balaaran ee uu gaaray xiriirka diblomaasiyadeed iyo midka iskaashi ee labada dal ka dhaxeeya .

Danjire Victor Conrad Rønneberg ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Børge Brende, isagoo xusay muhiimadda balaaran ee dalkiisu ugu fadhiyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Boqortooyada Norway uu si rasmi ah u bilowday July 05,1960.

Dowladda Norway ayaa ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, waxa ayna kaalin muuqata ku leedahay taageeridda howlaha loogu saldhigayo nabadda iyo deganaanshaha dalka Soomaaliya.

no images were found

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda 
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online