Xarunta Tabarada iyo Horumarinta Puntland oo maanta Tababar u Qabatay Ardayda Dugsiyada Sare ee Qardho.[Masawiro]

March 19, 2015 - Written by Editor

DSC04686Qardho:-Waxaa maanta Hoolka Shirarka Odayaasha ee Magalada Qardho lagu qabtay tababar loo loo Qabtay ardayda dugsiyada sare ee Magaalada Qardho, waxan tababarkan soo agaasintay bixinaysayna Xarunta Tababarada iyo Horumarinta Puntland.

( Puntland Center for Training and Development) oo ah Xarun ka shaqaysa arimaha bulshada iyadoo isticmaalaysa Tababaro, Wacyigelin iyo wax kasta oo bulshada horumarka saaxiibka la ahi ay samayn karto.

Ugu horayn waxa Tababarka furay oo ka hadlay Gudoomiyaha Magalada Qardho Mudane Maxamed Saciid Ciise Hoggaamo kuna soo dhoweyey ardayda tababarkan isla markaasna sheegay in tababarkani muhiim u yahay Kobcinta garaadka dhalinta loona baaahan yahay in si joogto ah loo qabto. Gudoomiyuhu wuxuu ardayda kula dardaarmay in ay guul kasoo hoyaan imtixaamada shahaadiga ah ee food nagu soo haya.

Waxaa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Xarunta Tababarada iyo Horumarinta Puntland ( Puntland Center for Training and Development) Mudane Maxamuud Ciise Yuusuf oo faahfaahin ka bixiyey taariihkhda, waxqabad iyo Ahmiyada tababarkan wuxuuna sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsan yihiin in ay qabtaan tabarka noocaan ah lana kulmaan ardayda dugsiyada sare ee Magaalada Qardho.

“gudoomiyaha Xarunta Tababarada ayaa sidoo kale sheeggay muhimada uu leeyahay tababrkan wuxuuna yiri tababarkan waxa uu ku saabsayahay Kobcinta garaadka waxa uuna qofka u suurto gelinayaa in uu awoodihiisa, aqoontiisa iyo xirfadihiisa aamino isla markasna uu awood u yeesho in uu bulshada ka dhex hadlo kana dhexmuuqdo bulshada ogaadona qiimaha uu ku dhexleeyahay bulshada”- Mohamud Isse Yusuf ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in tababarkan uu socon doono muddo maalin ah.

Waxa sidoo kale ka hadlay Gudoomiyaha waxbarashda Qardho Mudane Said Mohamed Faahiye wuxxuna ardayda kula dardaarmay in ay dadaalan kana faaiidaystaan fursadan qaaliga guulna kasoo hoyaan imtixaanka Centralize ka.

Waxa sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Jamacada Bariga afrika Mudane Ali Mohamed Ali ( Ali Hurre), dean ka Kulliyadaha BBAda iyo Community Development tiga Mudane Mohamed Abdi Mohamed dhamaantoodna waxay tilmaameen in uu tababarkani oo kale muhiim yahay loona baahan yahay in korlooqaado waxayna u rajeeyeen ardayda in Illahay u fudeedo imtixaamda shahaadiga ah.

Tababarka Waxa Lagaga Hadlay Saddexdan Mowduuc:-

1. Noloshu Waa sidee Dugsi Sare Ka Dib-كيف تكون الحياة بــعـد انتهائك من المرحلة الثانويـة؟ (How life is after Secondary Education?).

2. Hogaanka Wanaagsan القيادة الميثاليــة( Good Leadership) Guusha- مسيــرة النجـــاح( Success)

3. Sidee Loo Diyaarshaa Imtixaamada?ماهي كيفية المذاكــرة في الإمتحانات؟ (How to prepare Exams?).

no images were found

Qardho

Leave a comment

*

Archives
March 2015
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online