Adeegyo cusub oo lagu soo kordhiyey Isbitaalka MANHAL ee Laascaanood‏.[Masawiro/Video]

October 22, 2015 - Written by Editor

3Laascaanood:-Cusbitaaalka weyn ee Manhal waa cusbitaalka kaliya ee sidii cusbitaal u shaqeeya 24-ka saac , Cusbitaalku waa ka 2aad ee ugu weyn magaalad Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Agaasimahaguud ee Isbitaalka Manhal Hospital , Dr. Maxamed Cabdi Ismail (Dr. Shiine ayaa sheegay in hawlaha Caafimaad ee Isbitaalka ay marayaan meel wanaagsan iyadoo bahda Isbitaalka oo ka kooban Kalkaalisooyin, Dhakhaatiir ku Takhasusay xanuunada kala duwan.

Isbitaalka Manhal oo ah Isbitaal dhamaystiran oo leh agab casri ah ayaa Bulshada Magaalada Laascaanood ka fuliya adeegyo badan oo muhiim ah , iyadoo ay ka hawl galaan Dhakhaatiir xirfad iyo Takhasus kala duwan u leh mihnadooda Caafimaad si joogto ahna 24 kii saac heegan u ah inay bixiyaan adeegooda caafimaadka.

Dhakhaatiirtan oo isugu jira kuwo Ajaaniib iyo Muwaadiniin ayaa Isbitaalka si joogta ah looga helo xilli walba oo si deg deg ah (Emergency), 48 kii saac ee u danbeeyey waxaa laga fuliyay Howl gal Caafimaad oo ballaadhan , iyadoo ay 41 qof loo fuliyay Qalin iyo Fiiqid indhaha ah.

Dr. Maxamuud Axmed Maxamed (Shiine) oo ah Dhakhtar ku takhasusy Indhaha ( Ophthal mologist) ayaa fuliyay Qaliinada Indhaha. Barmaamijkaan indha Fiiqida oo ay ka faa’iidsayteen 40 Qof wax ka badan ayaa si guul ah u soo dhamaaday adeeg yada caafimaad ee uu cusbitaalku bixiyo xaxaa ka mida :-

1. Daawaynta Xanuunada Guud.

2.Daawaynta Xanuunada Caruurta.

3. Daawaynta Xanuunada Haweenka iyo Qalinkooda.

4. Daawaynta & Qalliinka Indhaha.

5. Daawaynta Xanuunada Ilkaha iyo Dayactirkooda.

Agaasimaha Guud ee Isbitaalkan Dr Maxamed Cabdi Ismaciil (M.Shiine ) oo ka waramaya Siyaabaha ay ugu guulaysteen in Cubitaalka ay Tayeyaan ayaa yidhi. ”Ka dib markaan u kuur galay siyaabaha ugu taabao galsan ee Adeegyo tayo leh lagu hirgalin karo in la helo Agab caafimaad iyo Xirfadlayaal caafimaad oo Aqoon qoto dheer leh ayaanu geed dheer iyo mid gaaban u galnay , arintaana Wax badan baa nooga hirgalay. ”

Sidoo kale isaga oo Agaasimaha hadalkiisa si wata wuxuu yidhi ” wuxuu awood u leeyahay cusbitaalku inuu sameeyo Baadhi taan Xeeldheer isagoo Isticmaalaya Mashiino casriya oo shaybaadhada Sida CBC , Chemistry ELISA oo loo isticmaalo Hormuunada bani aadamka .’ ayuu ku soo gabagabeeyey Agaasimuhu hadalkiisa.

Dhakhaatiirkta hada ka hawl gasha Cusbitaalka waxaa ka mid ah :-

1. Dr Abdi Majid Sh Husein Sugulle oo ah Dhakhtar qaabilsan daaweynta cudurada iyo kuwa Caruurta.
2. Dr Mohamed Abdi Ismaaciill , oo ah Dhakhhtar ku qaabilsan Indhaha .
3. Dr Abdirahman Aynayn oo ah dhakhtar ku takhsusay Xanuunada Dumarka iyo Qaliinkooda ah.
4. Dr. Cali ahmed xuseen Oo ah dhakhtar ku takhasusay Ilkaha .
Ugu danbayntii ayaa waxaa muuqata inay hawl wadeenada cusbitaalku ay si hufan ugu adeegaan bulshada kagana baaqsadeen dayicii iyo safarkii ay meelo fogfog u aadi jireen ayna tusaale u yihiin lagu dayan karo in bulshadu iyadu danteeda ka shqaysato oo aysan cidna sugin.

no images were found


Hoos ka Daawo Adeegyada Caafimaad ee Cuspitaalka Manhal Hospital Laascaanod

En Mawliid Isma Haradigeed
Laascaanood,Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online