Al-Minhaaj oo sagootisay Dufcadii 2aad oo waxbarsaho u aaday Mac-hadka Sare ee diiniga ee Hargaysa.[Masawiro]

October 27, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaaladda Garoowe caasimadda Puntland Culimo loo diyaarinayo siday ku noqon lahaayeen Culimada Mustaqbal waxaana culimadaan ay ka koobnaayeen ilaa 21 arday waxayna ka kala yimaadeen Gobollada kala ah:-
1. Bari

2. Nugaal

3. Mudug

4. Sanaag

5. Karkaar

Waxaana lays kugu keenay magaalada Garowe halkaas oo Culimada Gobolka iyo Maamulka sare ee Al-minhaaj ay ku siiyeen talooyin iyo Duruus qiimo badan waxaana ka mid ahaa Culimadii Duruusta bixinaysay Sh. Maxamuud Xaji Yuusuf, Gudoomiyaha Guud Al-Minhaaj Sh.maxamed C/llahi Cabdulle oo isaguna dhankiisa ardayda siiyay talooyin qiimo badan waxaan ay ardayda ku booriyeen barshada cilmiga iyo in ay ogaadaan in yihiin culimadii Mustaqbalka iyo hogaankii Umada.

Waxaana Culimada loo sameeyay Martiqaad yo kale duwan taas oo kor loogu qaadayay niyadooda iyadoo ugu danbayntiina loogu sameeyay duleedka Garowe saagootin qurux badan.

Waxaana halkaas Lagu siiyay Dardaaran loogu sheegayo in ay ku dadaalaan Barasha Cilmiga Sharciga Maadaama waxa la soo baryo ay tahay Shareecada Diinteena Islaamka, Ugu Danbayntii waxaa iyana dhankooda Mahad celin soo jeedshay Culimadii la sagootiyey iyagoo Allah uga baryay dhamaan intii howshaan noo qabatay In Allah Ajarkooda ku wey neeyo waxayna balan qaadeen in ay Cilmiga ay u xirxirteen ay ka soo libkeeni doonaan haddii Allah Qadaro.

no images were found

Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Alminhaaj Puntland

Nuurjaamac21@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online