Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan Baay
October 25, 2015 - Written by EditorBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Baay gaar ahaan deegaano hoostagga Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen tuulooyinka Mitir, Gurbaan iyo Kanaana ay ka dhaceen iska horimaad kooban .
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay la wareegeen tuulooyinka Mitir, Gurbaan iyo Kanaana oo ay horey gacanta ugu hayeen kooxda Al-Shabaab.
Sarkaalka ka tirsan ciidanka DFS oo la yiraahdo Aadan Yabaroow ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen tuulooyinka Mitir, Gurbaan iyo Kanaana waxaana sarkaalka u hadlay ciidanka DFS uu sheegay in ay tuulada Mitir ay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed oo Al-shabaab u qaabilsanaa lacag ka qaadista gaadiidka shacabka.
Kooxda Al-Shabaab ayaan wili ka hadal guusha uu sheegtay Aadan Yabaroow oo ah sarkaalka hogaaminayey howlgalada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen deegaano hoos taga Degmada Diinsoor.
A/Cawale
Halgan.net