Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan Baay

October 25, 2015 - Written by Editor

ciidamada_AMISOMBaydhabo:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Baay gaar ahaan deegaano hoostagga Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen tuulooyinka Mitir, Gurbaan iyo Kanaana ay ka dhaceen iska horimaad kooban .

Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa sheegay in ay la wareegeen tuulooyinka Mitir, Gurbaan iyo Kanaana oo ay horey gacanta ugu hayeen kooxda Al-Shabaab.

Sarkaalka ka tirsan ciidanka DFS oo la yiraahdo Aadan Yabaroow ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen tuulooyinka Mitir, Gurbaan iyo Kanaana waxaana sarkaalka u hadlay ciidanka DFS uu sheegay in ay tuulada Mitir ay gacanta ku dhigeen nin lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Axmed oo Al-shabaab u qaabilsanaa lacag ka qaadista gaadiidka shacabka.

Kooxda Al-Shabaab ayaan wili ka hadal guusha uu sheegtay Aadan Yabaroow oo ah sarkaalka hogaaminayey howlgalada ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka fuliyeen deegaano hoos taga Degmada Diinsoor.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online