Dufcadii 1aad ee Waxbarashada Aasaasiga ah oo ka qalin jabiyey Machadka Dr Axmed Xaaji C/raxmaan ee Garowe.[Masawiro]

October 17, 2015 - Written by Editor

1Garoowe:-Ardaydan Qalin Jabisay tira ahaan waxay gaarayaan 46 gabdho iyo wiilal isugu jira waxaana munaasabad dhiiri gelin ah loogu qabtay Madasha Shirarka ee Jaamacada Bariga Afrika si loogu muujiyo waxyaabihi Muhiimka ahaa ee ay ka soo barteen Machadka Dr Axmed Xaaji C/raxmaan Allaha u naxaristee ee hoos yimaada Jaamacada Bariga Afrika Faraca Garoowe.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika, C/Raxmaan Bindiiriye Maamule ku xigeenka Jaamacada,iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada haweenka Puntland waxay iftiimiyeen Muhiimada uu leeyahay Machadkan iyo sida ay ugu dhiiranaan karaan wax kabarashadiisa dadka waawayn ee aan horay fursada u helin barashada Tacliinta, waxayna ku dhiirigeliyeen kuwa harsan in si habsami leh ay u wataan tacliintooda.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Puntland Abshir ow yuusuf Ciise ayaa sheegay in Waxbarashada Dadka waa wayn iyo dalinyarada fursada u waayey in ay wax bartaan ee dib tacliinta u bilaabaya ay tahay fursad qaali ah ayna mudan tahay in laga faa’iidaysto, wuxuu amaanay dadkii hindisay Machadkan wuxuuna rajo wanaagsan iyo in aysan Tacliinta ka daalin ku dhiirigeliyay ardaydii Qalinjabisay balanna qaaday sida ugu dhaqsiyaha badan in shahaadooyinkooda ay usoo saari doonto Wasaaradda.

Ardaydii Qalinjabineesay ayaa Shahaadooyin hadiyado iyo Bilad sharaf gudoonsiiyey macalimiintooda iyo Maamulkooda waxaana goob jog ahaa dad badan oo kusoo talagalay in ay farxada la wadaagaan Ardaydaas.

no images were found

Xafiiska Warfaafinta
EAU Garowe.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online