Guddoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo is casilay.[Dhagayso]

October 28, 2015 - Written by Editor

shireGaroowe:-Guddoomiyihii Baarlamanka dowladda Puntland Siciid Xassan Shire ayaa shirjaraa,id uu saaka ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland wuxuu ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay ka dib markii la sheegay in xildhibaano gaaraya 40 xildhibaan ay ka keeneen Mooshin.

Guddoomiyihii Baar lamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegay in aan si sharci ah loo marn mooshinka laga keenay ayna ciidamo qabsadeen hoolka baarlamaanka Puntland taas oo uu ku sheegay in ay tahay Inqilaab.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Gaas iyaga oo ku eedeeyey in ay ka gaabiyeen mushaaraadka ciidamada Puntland iyo shaqaalaha Dowlada taas oo ay iska fogeysay xukuuumada Madaxweyne Gaas.

Xalay ayeey aheyd markii uu soo shaac baxay mooshin ay ku saxiixanyihiin ku dhawaad 40 xildhibaan kuwaas oo sheegay iney mooshin ka wadaan Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland iyaga oo codsaday in uu is casilo

Guddoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa xilka la wareegay 13- junuary 2014 ka dib doorasho adag oo dhexmartay Gudoomihii Hore Ee Baarlamanka Puntland Cabdirshiid Maxamed Xirsi.

Hoos ka Dhagayso Guddoomiyihii Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo is casilay

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Gudoomiyaha-Barlamanka-Puntland.mp3]

Halkaa ka Dhagayso Mp3

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online