Gudoomiyihii gobolka Banaadir Xassan Maxamed Xuseen Muungaab oo xilka laga qaaday
October 26, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa uu xilkii Guddoomiyihii gobolka Banaadir ka qaaday Xassan Maxamed Xuseen Muungaab oo xilkaas hayey in mudo ah. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa waxaa uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu u magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Afhayeenka madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in xilka Guddoomiyihii gobolka Banaadir laga qaaday Xasan Maxamed Xuseen Muungaab. Xilka laga qaaday Guddoomiyihii gobolka Banaadir ka qaaday Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa u soo beegmay xili maanta uu Madaxweynaha dowladda Federaalka soomaaliya uu u dhoofay dalka Sacuudiga.
Ilaa iyo hadda lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir.
A/cawaale
Halgan.net