Islaan Bashiir Islaan Cabulle & Sh Maxamed Macalin oo la dardaarmay bulshada Magaclay.[Masawiro]

October 14, 2015 - Written by Editor

IMG-20151014-WA0003Garoowe:-Wafti baalaran oo uu hogaaminayo Islaam Bashiir Islaam Cabdille iyo Sh Maxamed Macalin oo 13 bishaan ka ambabaxay magaaladda Burtinle ayaa gaaray Tuulada magaclay waxaana ay sii mareen inta badan deegaanadii uu dagaalku ku dhexmaray labad beelood ee Oodwadaaga ah.

Waftiga ayaa markii ay gaareen Magaclay waxaa ay halkaas kula hadleen dadweynaha iyagoo ugu baaqay in nabad la xoojiyo waxaan ay dadka la yeesheen Shir balaaran oo loo balan sanaa waxaana shirka Furay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Faraweyne Isagoo Ugu baaqay Dhamaan In laga wada shaqeeyo siddii loo hirgelin lahaa nabad iyo xabad joojintii la isla gaaray.

Sh.Maxamed Macalim Axmed ayaa goobta ka soo jeedshay wacdi qiima badan waxaana uu uga digay bulshada daadinta Dhiig Muslim in ay tahay Xaaraan waxaana sheekhu soo qaatay Aayado ka hadlaya Xurmada uu leeyahay Dhiigu qofka Muslinka ah isagoo dhanka kalena Eebe ku dhaariyay in aysan fududaysan dilka qof Muslinka ah.

Waxaa kale oo goobta ka hadlay Issimo ay ka mid ahaayeen Suldaan Siciid Garaase Iyo Caaqil Cabdiwahab Cabdiwahab Maxamed Gurey iyo Issimo kale iyagoo dhamaantood ka codsaday buslahada ku dhaqan Magaclay iyo Howdka in la xoojiyo nabada.

Waxaa Iyana dhan kooda soo dhaweeyay Dadkii kala duwanaa ee halkaas loogu tagay una badnaa dadkii sida tooskaa colaada ugu lug lahaa waxayna balan qaadeen in ay qaadanayaan nabada .

Ugu danbayntii waxaa shirka soo xiray Islaan Bashiir Islaam Cabdulle waxaana isna dhankiisa ugu baaqay in ay ilaaliyaan balantii ay qaadeen ee ahayd in ay qaateen nabada waxaana uu Eebe ka baryay in Allah nabad dhex dhigo Bulshada walaala ha ah waxayna Salaada maqrib ka dib ay waftigaani u soo an babaxeen dhinac Magaalada Burtinle.

no images were found

Wixii ka soo kordha kala soco Halgan .net

Nuur Jaamac Aadan AL-minhaaj Puntland

Nuurjaamac21@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online