Jaamacadda bariga afrika oo xaflad soo dhowayn ah u qabatay arday Master Bilaawday(Masawiro)

October 17, 2015 - Written by Editor

8Boosaaso: Jaamacadda bariga afirica ayaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay u qabatay arday gaaraysa ilaa 106 arday kuwaas oo bilaabaya sabtida 17/10/2015 waxbarashada heerka laabaad MASTER, ardaydan ayaa u kala qaybsan kuliyadaha Shareecada, Tarbiyada, Maamulka, Caafimaadka guud iyo Computerka.

Xafladda ayaa wax ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo ay ka mid ahaayeen golayaasha jaamcadda ee kala duwan, golaha aasaasayaasha, Board ka iyo golaha fulinta, sidoo kale waxa ka soo qayb galay mu’sasadaha ka shaqeeya dacwada iyo horumarinta sida mu’sasada minhaaj iyo safa, ardayda loo bilaabayo waxbarashada, macalimiintoodii iyo dadwayne kale oo iyana goobta soo xaadiray.

Bilowga heerka labaad ee jaamcadda MASTER ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirtay baahi xoog leh oo loo qabo marxaladdaas iyadoo ay ka bexeen jaamcadda arday tiradoodu u dhexayso 4000-5000 oo arday, tiro intaa ka badan oo ka baxay jaamcadaha kale ee dalka.

no images were found

Waxbarashada heerka labaad ayaa loo diyaariyay ilaa dakaatiro gaaraysa sideed diktoor iyo caawiyayaashooda kuwaas oo la rajaynayo inay  ka haqabtiri doonaan ardayda baahidooda cilmiyeed. Kelmado soo dhowayn iyo bogaadin isugu jirta ka dib xafladda ayaa ku soo afmeerantay sidii loogu tala galay.

Xafiiska warbaahinta JBA
Bosaaso

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online