Jawaari oo sheegay in Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka DFS dib loo dhigay

October 17, 2015 - Written by Editor

JawaariNairobi:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa shaaciyey in dib loo dhigay furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo markii hore loo asteeyey 21ka bishan October.

“Dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa la ogeysiinayaa in Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo ku qorsheysnaa 21ka Oktoober 2015 dib loo dhigay 25ka Oktoobar 2015 si loo dhammeystiro howlaha la xiriira diyaarinta ajendayaasha Kalfadhiga”- ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Waxaa laga codsanayaa in Xildhiibaannada dhammantood ay dalka soo galaan diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka, sidoo kale Xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha ayaguna iney ugu dambeyn dalka soo galaan 23ka Oktoobar 2015”- ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Golaha Baarlamaanka hadda jira oo ah madasha 9aad ee Baarlamaan ay Soomaaliya yeelato ayaa mudada xil gudashadiisa waxaa hada uga haray laba Kalfadhi oo kala ah Kalfadhiyada 7aad iyo 8aad waxaana labadaasi Kalfadhi laga doonayaa iney qabtaan howlo badan oo ay ugu muhiim san tahay iney ku diyaariyaan Baarlamaankii ayaga bedelli lahaa.

—Dhamaaad—-

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online