Madaxweynaha DFS oo furay Kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka DFS
October 25, 2015 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFs Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga todobaad ee golaha Baarlamaanka DFS waxaana kalfadhiga ka qeyb galay madaxada sare ee DFS gaar ahaan guddoomiyaha Baarlamaanka ,Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya , guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka iyo xildhibaanada golaha shacabka .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka jeediyey khudbad kooban golaha baaralamaanka isaga ka hadlay waxqabdka DFS iyo qorshaha hiigsiga 2016.
Waxaa sidoo kale Kalfadhiga todobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ka khudbeeyey gudoomiyaha baarlamaanka DFS Pro.Maxamed Sh Cismaan Jawaari isaga oo sheegay in ay howlo badan horyaalaan golaha .
Warka Faahfaahsan dib baan idiinka soo gudbin doonaa Inshalaaah
A/Cawale
Halgan.net