Madaxweynaha DFS oo u ambabaxay dalalka Boqortooyada Sacuudiga iyo India

October 27, 2015 - Written by Editor

Xasan-SheekhMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu wadahadal kula yeelan doono Boqor Salman bin Cabdulcaziz Al Sacuud. Madaxweynaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale, ayaa inta uu joogo Sacuudiga, madaxda dalkaasi kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, iyo iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood dhex mara.

Socdaalka dalka Sacuudiga kadib, Madaxweynaha waxaa uu tegi doonaa magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka India iyo waddamada Afrika.

Shirkaas ayaa waxaa looga arinsan doonaa kobcinta fursadaha maalgashi ee Afrika iyo India, iskaashi dhaqaale oo labada dhinac dhex mara iyo dhiirigelinta ganacsiga iyo shaqa abuurka. Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaraha ee Muqdisho ku sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

DHAMMAAD—

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online