Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdulcaziiz.[Masawiro]

October 28, 2015 - Written by Editor

IB0A6671Riyadh:-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Boqorka dalka Boqortooyada Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

Madaxweynaha oo soo dhoweyn aad u sareysa loogu sameeyey Riyadh, iyo Boqorka ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimo kale oo la xiriira taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay ee dhinaca dib u dhiska.

Labada dhinac ayaa isku afgartey dhammaan qodobada ay ka wada hadleen. Madaxweynaha waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan Ibraahim, Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir, Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale.

no images were found

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online