Madaxweynaha Gaas oo la kulmay Taliyaha Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya.[Masawiro]

October 14, 2015 - Written by Editor

IMG_9028Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dawladda Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug Puntland waxaa ku soo booqday Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Xassan Xaamud, oo booqasho maalmahaanba ku joogay Puntland .

Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa Madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf , waxaana uu uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland ,ku waasoo indhahooda ku soo arkay dhismaha ciidan ee Puntland ka jira .

Puntland ayuu ku amaanay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Shiikh Xassan haykalka dawladnimo ee kajira ,isagoona soo arkay ciidan Booliis ah oo dhisan diyaarna u ah inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa taliyaha ku bogaadiyey inuu sii laba jibaaro dadaalada uu wado ee uu rabo inuu ku horumariyo ciidanka Booliska .

Ciidanka Booliska Dawladda Puntland ayaa hada waxaa u socoda qeybtood tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, halka qeybtoodna loo soo geba gebeeyey tababaradaasi diyaarna ay u yihiin sidii ay u howlgeli lahaayeen, waxbadana uga badali lahaayeen qaabkii hore ee ay ku howlgeli jireen.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiisk Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online