Madaxweynaha Puntland oo furay kalfadhiga 36-aad ee barlamaanka Puntland

October 25, 2015 - Written by Editor

gaasGaroowe:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigii 36-aad ee gollaha wakiilada dowladda Puntland waxaana uu furitaanka Kalfadhiga ka jeedyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu khudbadiisa uga waramay waxqabadka xukuumada iyo horumarka ay ku talaabsatay intii u dhexeysay labada kalfadhi ee Baarlamaanka dowlada Puntland iyo Mashaariicda ay dowladiisa howl galisay

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu si gaar uga waramay Mashaariicda ay dowladiisa ka fulisay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu kalfadhiga 36-aad ee gollaha wakiilada dowladda Puntland ka sheegay in si rasmi ah loo furi doono bisha 12 aad ee December 2015 garoonka caalamiga ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Xildhibaanada ee gollaha wakiilada dowladda Puntland ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland in kulan gaar ah ay yeeshaan si ay su,aalo u weydiyaaan wuxuuna soo dhaweeyey Madaxweyne Gaas.

Ugu danbeyntii ayaa Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu golaha wakiilada Puntland uga waramay socdaal uu dhawaan ku tagay magaalada Nairobi iyo kulamo uu la qaatay hay’addaha deeqa bixiya gaar ahaan kuwa caawiya Puntland wuxuuna sheegay i la dayac tiri doono dhawaan wadada laamiga ah ee isku xiridoonta Gaalkacyo iyo Garowe.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online