Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Switzerland ee Soomaaliya
October 5, 2015 - Written by EditorNairobi:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ujooga dalka Kenya gaar ahaa Caasimadda dalkaasi ee Nayroobi ayaa waxaa uu kulamo muhiim ah la qaatay Madax katirsan beesha caalamka .
Kullan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweyne Gaas iyo Safiirka Switzerland ee Soomaaliya, Ambassador Langen bacher ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya laba dhinac , iyagoona isla meel dhigay in la xoojiyo xiriirka dhinac kastana layska kaashado.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo xiriira dalkaasi Kenya kula qaadanaya Madax katirsan beesha caalamka oo ay uga wada hadlayaan xaaladda guud ahaan Dalka Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya beesha caalamka iyo Dawladda Puntland.
Dhammaan masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweynuhu waxaa uu u soo bandhigay horumarka baaxadda leh ee ka soconaya Puntland iyo Nabad gelyada kajirta, taasoo u baahan in la sii xoojiyo si looga mira dhaliya .
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.