Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Safiirka Switzerland ee Soomaaliya

October 5, 2015 - Written by Editor

gaas1Nairobi:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalmihii ugu dambeeyey safar shaqo ujooga dalka Kenya gaar ahaa Caasimadda dalkaasi ee Nayroobi ayaa waxaa uu kulamo muhiim ah la qaatay Madax katirsan beesha caalamka .

Kullan gaar ah oo ay wada qaateen Madaxweyne Gaas iyo Safiirka Switzerland ee Soomaaliya, Ambassador Langen bacher ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya laba dhinac , iyagoona isla meel dhigay in la xoojiyo xiriirka dhinac kastana layska kaashado.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo xiriira dalkaasi Kenya kula qaadanaya Madax katirsan beesha caalamka oo ay uga wada hadlayaan xaaladda guud ahaan Dalka Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka kala dhaxeeya beesha caalamka iyo Dawladda Puntland.

Dhammaan masuuliyiinta uu la kulmay Madaxweynuhu waxaa uu u soo bandhigay horumarka baaxadda leh ee ka soconaya Puntland iyo Nabad gelyada kajirta, taasoo u baahan in la sii xoojiyo si looga mira dhaliya .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online