Madaxweyne Gaas oo ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen mudanayaasha Baarlamanka Puntland.[Cod/Masawiro]

October 26, 2015 - Written by Editor

IMG_3892Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26-10-2015 hortegey Golaha Wakiilada Puntland si uu uga jawaabo su’aalo ay qabeen mudanayaashu. Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa soo xaadiray kullanka, waxaana Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xaasan Shire , Labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka , Wasiiro iyo Bahda warbaahinta .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Siciid Xassan Shire oo ugu horeyn ka hadlay kullanka ayaa sheegay in maanta uu Madaxweynuhu ku yimi codsigii baarlamaanka ee shalayto xildhibaanadu codsadeen in madaxweynaha ay weydiiyaan, kuwaasi oo la xiriira howlaha qaran ee dalka ka socda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa dhammaan mudanayaasha baarlamaanka uga mahadceliyey sida ay ugadanayaan waajibaadka qaran ee saaran, una sheegay in uu diyaarna u yahay inay weydiiyaan su’aalo .

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa madaxweynaha weydiiyey su’aalo, kuwaasi oo la xiriiray xaaladda guud ee dalka , barnaamijyada horumarineed , waxayna ku bogaadiyeen Madaxweynaha iyo xukuumadiisa dedaalka horumarineed ee ka soconaya guud ahaan Puntland oo maanta qaaday dhabada horumarka iyo wanaaga.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas ayaa qiray in Gobalada Puntland dhammaantood ay dawladdu kahayso howlo muhiim ah oo la xiriirta horumarka , waxaana uu sheegay in Gobalada dhiman ee uusan tagin ay u qorshaysan tahay in uu tagayo wakhti dhow.

no images were found

Hoos ka Dhagayso Su’aalihii ay Golaha baarlamaanka dowladda Puntland ay wiidiyeen Madaxweyne Gaas

[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/Gaas%20Suaalihii-Baarlamaanka%20.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online