Manhajka waxbarashada dugsiyada dhexe ee Puntland oo la ansixiyey.[Masawiro]

October 11, 2015 - Written by Editor

5Garoowe:-Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe shirweynaha lagu ansixinayey Manhajka waxbarashada dugsiyada dhexe ee Puntland, shirkaas oo socday muddo laba maalmood ah 10-11/10/2015 ayaa waxa lagu lafa guray wax yaabaha lagama maarmaanka u ah manhajka la diyaariyay iyo sixidda wixii ka khaldamay.

Xafladda xiritaanka ayaa waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Dr.Maxmed Cali Faarax, ku simaha agaasimaha guud Axmed zaahid, xubno ka socday gobollada, Hay’adda AET oo bixinaysay fanka lagu diyaarinayay manhajka, dalladda waxbarashada ahliga ah, culimo awdiin iyo marti sharaf kale ayaa waxaa laysla ansixiyay muqararka dugsiyada dhexe.

Bishii sideedaad 2015 ayay ahayd markii la ansixiyay Muqararka dugsiga hoose iyadoo wasaarada waxbarashadu ballan qaaday in sanadkan 2015/2016 uu hirgelayo manhajkani. Marti sharafta ka soo qayb gashay xafladda ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda uu leeyahay manhajku iyo booska uu ka joogo waxbarashada inteeda kale.

Wasiirku xigeenka wasaaradda waxbarashada oo soo xiray xafladda ayaa ku dhawaaqay in ay goor dhow bilaabi doonaan qoridda kutubta uguna baaqay dadweynuhu inay ka qayb qaataan kharashka ku baxaya qoridda iyo daabacaadda intaba.

no images were found

Halgan.net
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online