Nabadayntii beelihii ku dagaalamay Magaclay & Qoriley oo meel fiican maraysa

October 14, 2015 - Written by Editor

11217167_822595771170952_1054657818298366225_nGaroowe:-Wafdi culiimo ,Issimo , Garaado iyo waxgarad kale oo gaaraya 150 ergo oo ku sugan deegaanada Qorilay iyo Magaclay wada hadalo socday oo aan loo kala kicin, Nabadaynta labada beelood ayaa waxaa dadaal fiican ka galay Culimada Soomaaliyeed iyo Issimo ay kala hogaaminayaan Islaan Bashiir Islaan Cabdulle iyo Garaad Jaamac Garaad Cali iyagaoo ay kaabayeen Issimo iyo Garaado kale oo ka tirsan beesha  Daarood , wada hadalada socda ayaa la sheegayaa in si hordhac ah la isla meel dhigay arrimaha soo socda:-

1. In la sameeyo Gudidada dhex dhexaadinta oo soo jeediyey in labada beelood ee dirirtu dhexmartay Maxamed Garaad{Bah-ararsame{ iyo Cumar Maxamuud] ay kala ma talaan lana siiyo beel walba 21 xubnood oo gud ah.

2. Waxaa la isku afgartay in la sameeyo gudi Daarood oo ka kooban 30 xubnood oo noqon oona gudiga wada hadal siin doono labad beelood ee uu dhibku dhexmaray.

3.Waxaa la isku raacay in la sameeyo 15 xubnood oo ka kooban Issimada beelaha Daarood oo noqon doona Marjic haddii wax la isku afgaran waayo ama arrintu ay murugto oo gudiga dhexdhexaadinta ay howsha ku cuslaato.

4. Waxaa ilaa hadda wada hadal ka socdaa goobta ay noqonayso xarunta gogasha nabadee la dhigayo arrintaas oo aan weli meel la isla dhigin wada hadalkeeduna uu socdo weli.

5. Waxaa kale oo la soo jeediyey in labada beelood ee walaalaha ah uu u furmo wada hadal fool ka fool ah mudo 5 cisho gudahood ah iyadoo la soo jeediyey in shirku socdo mudo 21 cisho gudahood ah.

Issimada , Garaadada, Culimo’udiinka, iyo Nabadoonada ayaa waxaa ay weli wadaan shirar goos goos ah iyo kulamo wadatashi oo la doonayo in howsha si nabadgelyo ah oo la isku kalsoon yahay lagu soo afjaro. Wararka u danbeeyey ee ka imaanaya deegaanka qorilay iyo Magaclay ayaa sheegay in howshu si wanaagsan u socoto howsha nabadynta intii badnaydna la isla meel dhigay waxaan deegaanka Howdka shalay gaaray wafdi Cuqaal ah oo uu hogaaminayo Islaan Bashr Islaan Cabdulle iyo Sh Maxamed Macalin oo ka yimid magaalada Boosaaso

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online