Taliyaha ciidanka Booliska DFS oo Gaadiid Boolis ku wareejiyey Jubbaland
October 25, 2015 - Written by EditorKismaayo:-Taliyaha ciidanka Booliska DFS Gen.Maxamed Xasan Xaamud ayaa ku wareejiyey booliska mamulka Jubbaland afar gaari oo ah nooca loogu talo galay inay ku shaqo gallaan ciidanka Booliska ee Maamulka J/Land.
Gen.Maxamed Xasan Xaamud Taliyaha ciidanka Booliska DFS ayaa sheegay in DFS ay mar walba garab taagan tahay Maamul gobaleedyada wuxuuna xusay in ay taageeri doonaan amaanka iyo tayenta ciidanka Booliska J/land .
Deeqdan Gawaarida ayaa waxaa Taliyaha ciidanka Booliska DFS Gen.Maxamed Xasan Xaamud kala wareegay wasiirka amniga iyo arrimaha gudaha ee Jubaland Gen.Maxamed Darwiish oo ka mahad celiyay gaadiidkan DFS ugu deeqday.
Taliyaha ciidanka Booliska DFS Gen.Maxamed Xasan Xaamud ayaa sheegay inay jiraan deeqo kale oo DFS ugu talo gashay Jubaland kuwaas dhawaan soo gaari doona magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose
Cabdi Yare
Kismaayo