Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka X.D.S oo booqday Garoonka Bali-doogle.[Masawiro]

October 25, 2015 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Cirka iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku tagey Garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle, halkaas oo fariisin u ah Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, wafdiga Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab, iyagoona warbixino ka dhageystay Saraakiisha Xoogga dalka ee halkaas ku sugan.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay ujeedka ay maanta u soo gaareen Ballidoogle in ay tahay sidii loogu kuurgeli lahaa baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Ciidamadda Xoogga dalka ee halkaas ku sugan, isagoo xusay Ciidanka Danab oo ka tirsan X.D.S in ay halkaas ku qaateen tababar heerkiisu sareeyo, haddana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada difaaca dalkooda hooyo.

“Waan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan halgan muddo socday hadana socda oo dalkan looga sifeynayo cadowga kusoo duulay ee Al-shabaab” ayuu yiri Wasiir Diini oo dhinaca kale ku ammaanay saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka deegaanadan ku sugan sida ay ugu dhabar adaygeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa kula dar-daarmay ciidamaddii kala duwanaa ee uu booqday in ay mar walba dantooda ka horumariyaan mida qaran si loo xaqiijiyo hadafka iyo macnaha uu leeyahay Askarigu. Wuxuna hoosta ka xariiqay Taliska Cusub ee Ciidamadda Xoogga dalku hadda wixii ka danbeeya uu mar walba isha ku hayn doono baahida iyo arrimaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin Ciidanku“.

“Waxaan diyaar u nahay in aan baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono. Waxaa aad ii farxad geliyey markii ay indhahaygu qabteen geesiyaashii Danab oo dib loosoo carbiyey hadana u diyaarsan difaaca dalkooda, tanina waa guul kale oo nagu dhiirigelinaysa inaga oo kaashanayna saaxiibadeena Caalamka in aan xoojino dhismaha Ciidan leh awood iyo hufnaan sare’’ayuu yiri S/G Maxamed Aaden.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay raadadkii dagaalada sokeeye weli in ay ka muuqanayaan Garoonka Balidoogle, isagoo tilmaamau in madaxda sare ee qarankana ay la wadaagi doonaan xaaladda ka jirta garoonka si deg-deg wax looga qabto.
Sidoo kale, Taliyaha Ciidamadda Cirka Maxamuud Sheekh Cali “Dable Baylood” ayaa xusay in hay’ado gaar ah ay dhismayaal ka wadaan Garoonka Balidoogle ee Ciidanka Cirka kuwaas oo fasax aan u haysan in ay xarumo ka sameystaan, wuxuna ku baaqay in la ilaaliyo sumcadda iyo sharafta Ciidanka Cirka cid walba oo Garoonka dhisme sharci darro ah ka wadana sharciga lala tiigsan doono.

no images were found

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online