Xaflada Caleema Saarka Suldaanka Beesha Maxamed Cumar Suldaan Cabdi Qani Qorane (Masawiro)

October 28, 2015 - Written by Editor

2Xarfo:-Xaflad ballaaran oo si weyn loo soo agaasimay oo lagu caleemo saarayay Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed ayaa maanta ka dhacay deegaanka Bali Qardhaas ee Duleedka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Xaflada Caleemo saarka ayaa ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Madaxda ugu saraysa Dalwadda Puntland, Isimo, Culimo, & waliba sidoo kale siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Gudoomiyaha Hay,da Culimada Soomaaliyeed Sh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka qeyb galay xaflada Caleema saarka Suldaan Cabdiqani Qorane waxaana socdaalkiisa ku weheliyey Odayaal Dhaqameed ka yimid magaalada Muqdisho waxaana uu Sheekh Dardaaran kooban u jeediyey Suldaan Cabdi Qani Qorane isaga oo kula dardaarmay  in Ummadda uu ku hogaamiyo tubta wanaagsan dadka Soomaaliyeedna laga shaqeeyo sidii la isku keeni lahaa .

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa hogaaminayey wafdiga dowlada Puntland waxaa uuna khudbad kooban uu ka jeediyey xaflada caleema saarka uu sheegay in uu soo dhaweynayo caleema saarka Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ay beesha Maxamed Cumar u doorteen Suldaanka Guud ee Beesha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yiri ”Waxaan ku Faraxsanahay ka qaybgalka Caleemo saarka Suldaan Cabdi Qani Qorane , waxaana u rajaynyaa iny ilaahay hawsha la garab galo anigoo ku kalsoon aqoonta aan u leeyahay Sheekh  Cabdiqani Qorane”

Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xaflada Caleema Saarka ee Suldaan Cabdi Qani Qorane Maxamed Isimo aad looga qadariyo Puntland waxaana ka mid ah ahaa Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, Ugaas Maxamuud Cabdulqaadir Shoole, Suldaan Ciise Maxamed Ciise kuwaas oo dhamaan soo dhaweeyey caleemo saarka Suldaanka una Duceeyey

Intaas kadib ayaa waxaa laguda galay Caano Shubka Suldaan Sh Cabdiqani Qorane iyadoona Isimo ka kala yimid Puntland, Jubbaland & Soomaaliya ay kawada qaybgaleen caano shubka kaas oo ka dhacay aqal Soomaali si fiican loo qurxiyey .

no images were found

Gabagabadii Xaflada Caleemo saarka aya waxaa hadal kooban ka jeediyey Suldaanka Beesha Maxamed Cumar  wuxuuna ka codsaday dhammaan Golaha Isimada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan isaga oo balan qaaday in uu si wanaagsan ula shaqeyn doono Isimada Soomaaliyeed.

Maamulka iyo Dhamaan Shaqaalaha Shabakada Wararka Halgan.net ayaa si gaara Hambalyo ugu diraya Suldaanka Beesha Maxamed Cumar ee beesha Cumar Maxamuud Sheekh Cabdi Qani Qorane Maxamed waxaana alle ugu baryeynaa in tubta toosan alle waafajiyo Aaaamiin.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2015
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online